dhoobad
(m.l)ld dhoobasho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhoobad ↴
danduul [m.dh] (-llo, m.dh)
Weel bir ka samaysan oo marka ceelasha la qodayo dhoobada lagu qaado.
dharabow [m.l]
Cudur cagaha dadka ka gala oo u yeela barar iyo dildillaac oo ka dhasha dhiriqda iyo dhoobada.
dheeh [m.l]
1. Lakab xalleefsan oo alaabta biraha, dhoobada iwm dusha laga mariyo oo dhawraarin iyo qurxin looga dhigo. 2. Dhammaajo (xabog). 3. ld dheedid.
dhoobammiir [m.l] (-rro, m.dh)
Wax biyaha dhoobada lagaga miiro.
dhoobasho [m.f.dh]
eeg dhoobo³. ld dhoobad.
dhoobo [m.dh]
(jool.) Nooc ciidda ka mid ah oo ah budo khafiifa, oo ah ma habe. Dhoobadu waxay noqotaa balaastig marka biyo lagu daro. Dhoobadu waxay ka koobantahay dhadhaabo-lakabeed iyo aluminiya.
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg