Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: waddoohiye
wiriqle-aayooneed  (kiim.) Wiriqle ka kooban ayoonada laba curiye ama in kabadan.
wiris  Shimbir la shaqaysa herinta; maras.
wirwir1  1. Dhalanteed. 2. Socodka la socdo wakhtiga qorraxdu aad u kulushahay. 3. ld wirwirid. wirwir2  Wakhti qorraxdu aad u kulushahay socosho. wirwirid  eeg wirwir². ld wirwir¹.
wisaayad  ld wasaayad.
wishaar1  Doon ama markab cusub oo kolkaas dibedda iyo badda loo saaray. wishaar2  Wax duugoobay sidii uu hore u ahaa ka dhigid (guri, doon, iwm). wishaarid  eeg wishaar².
wiswis1  1. Qof oo dooq adag leh. 2. ld waswaas¹. wiswis2  1. Dooq adag lahaansho.². ld waswaas². wiswisi  1. Cid wax kasta oo ay samayn lahayd ka shakisiin. 2. ld was-waasi.
wiswisid  eeg wiswis². ld waswaasid.
wiswisin  eeg wiswisi. ld waswaasin.
witir  ld watar.
wiyeer  1. Biyo culus oo dhanaan yari ku jiro. 2. Biyo aan xareed ahayn. 3. ld wayeer.
wiyil1  Nafley aad u weyn oo labo gees wejiga ku leh, waxaa ku gaashaa-man harag aad u qiro weyn una adag. wiyil2  Nafley aad u weyn oo labo gees wejiga ku leh, waxaa ku gaashaa-man harag aad u qiro weyn una adag. woob  Midab hurdi ah.
wood1  Cod doorasho. wood2  Cod cid lago dooranayo bixin. ld wootee. woodid  eeg wood². ld wooteyn.
wootee  ld wood².
wooteyn  ld woodid.
woqooyi  Jihada koofur u tusmaysan ama ka soo hor jeedda. ld waqooyi.
wow  Magac carbeed oo tilmaama xarafka “w”.
wuqiyad  ld wiqiyad.
wuxuush  eeg waxash.
x  (xa') Xarafka laba iyo labaatanaad ee alifka soomaalida, waana shibbane.
xaab1   1. Caleemaha dhirta oo inta engega geedka hoostiisa ku soo daata. 2. Uurkujir (oogada nafleyda). 3. Wax walba intooda xun.
page : 1513 of 1584
<< < 1508 1509 1510 1511 1512 1513 1514 1515 1516 1517 1518 > >>

 

Exit mobile version