Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: yalaalugood
xaajiyad (dii.) Haaweenay xajinayso ama xajisay.
xaajo Arrin; xaal; talo.
xaajoo La x.: cid arrin kala doodid.
xaajood eeg xaajoo.
xaajootamid eeg xaajootan².
xaajootan (1) Arrin ka doodid.
xaajootan (2) La x.: cid arrin kala garramid.
xaakin 1. (-nno/-immo, m.dh) Gar yaqaan ama qaalli maxkamad u jooga in uu dadka u garnaqo. 2. Qof aan eex samayn.
xaako Dhacaan adag oo afka ka soo baxa oo ka yimaada oogaada xuubabkeeda jilicsan kolka ay bukoodaan.
xaakoo Xaako tufid.
xaakood eeg xaakoo.
xaal (1) 1. Hanti la siiyo qof sharaftiisa wax loo dhimay. 2. (axwaal, m.dh) Arrin; xaajo. 3. ld xaalad. Sida lagu suganyahay; sah.
xaal (2) La x.: cid arrin la dhammaysasho.
xaalad ld xaal¹ (3).
xaalad-beeggaal (fiis.) Xaalad loo adeegsado qiimaha looga qiyaas qaato cabbirrada kul-daynaamikada.
xaaladduun Waa x.: adduunyadu waa sida!
xaalayn eeg xaalee.
xaalee Wax ama cid danayn.
xaalid eeg xaal².
xaalmari Cid sharafteeda wax loo dhimay wax siin ama raalligelin.
xaalmarin eeg xaalmari.
xaalo 1. Xubnaha ragga. 2. Uurkujir.
xaaluf (1) Dhulka engegay ama nabaad-guuray oo daaqii ka dhammaaday.
xaaluf (2) Dhul daaq ka dhammaasho.
xaalufi Dhul xaaluf ka dhigid.
xaalufid eeg xaaluf².
xaalufin eeg xaalufi.
xaaluq Orgi caato ah.
xaammil Qof dumar ah oo uur leh.
xaammilo Haweeney uur leh.
<< < 1510 1511 1512 1513 1514 1515 1516 1517 1518 1519 1520 > >>

 

Exit mobile version