xagal daacsan (xis.) Xagasha cabbirkedu ka weynyahay 180° kana yaryahay 360°.
xagal fiiqan (xis.) Xagasha cabbirkeedu ka weynyahay 0° kana yaryahay xagal qumman (90° ama P/2 gacansin).
xagal furan (xis.) Xagasha cabbirkeedu ka weynyahay xagal qumman (90°), kana yaryahay xagal toosan (180°).
xagal janjeedh (xis.) Xagal cabbirkeedu aan ahayn xagal qumman iyo dhufsane qumman midna.
xagal masaafo-cabbire (xis.) Aalad lagu qiyaso masaafo xagleedda laba shay.
xagal qumman (xis.) Xagasha cabbirkeedu dhanyahay 90° ama P/2 gacasin.
xagal toosan (xis.) Xagasha cabbirkeedu le'egyahay 180° ama laba xaglood oo qumman.
xagal-adke (xis.) Ratibidda saddex addimaale ka sammaysma dhammaan xarriiqyo bar ka soo unkama halka bar wadaag ah isla markaana dhex mara xood sallax oo oodan.
xagaldaac1 ld xagaldaacid. xagaldaac2 Baari ama culays ka batay darti, lugtu la laabmid, la daacid, la kufid. ld xagalkaddaac. xagaldaacid eeg xagaldaac². ld xagaldaac¹, xagaldaaco, xagalkaddaacid.
xagaldaaco ld xagaldaacid.
xagalkaddaac ld xagal-daac².
xagalkaddaacid ld xagaldaacid.
xagalo 1. Xubin soo baxsan oo wareegsan oo shafka geela ku taal, oo kolka uu fadhiyo dhulka qabata. 2. Xubin-taas hilibkeeda aan jiirka iyo baruurta midna ahayn.
xagan1 Wax la xagtay noqosho. xagan2 Wax la xagtay ahaansho. xagar Geed leh dhiin badan.
xagasho eeg xago.
xagatin Ciddi xoog wax loogu jiiday ama wax kale oo la mid ah, raadka ama nabarka ay reebaan.
xagato Dhirxagato.
xagaysasho eeg xagayso. ld xagaysi.
xagaysi ld xagaysasho.
xagayso Xag ka maalid ( xoolo irmaan). xagge s. Meel fog ku sugan; xaggeeya. Tus. “Waxaa laga helaa jidka xagge”.
xaggee Docdee? Halkee? Meelma?.
xagid eeg xag³.
xagjir 1. Neef irmaan oo aan gayax (sidig) ahayn (geel ama lo'). 2. X. ah: fallaar keligeed la gano oo aan laake ahayn. 3. X. ah: qof aan dhexdhexaad ahayn.
xaglagooye (xis.) Isku xirid geeso iska horjeeda. Tusaale ahaan, xaglagooyaha labajibbaarane waxa uu laba-gibbaranuhu u qaybiyaa laba saddexagal oo qumman. Marka laga hadlayo shaxan adke ah badanaaba salxaale, sallax xaglagooye waa kan dhexmara laba geftin oo aan deris ahayn.
xagli U x.: shay xaggiisa u janjeerid; u iilasho; u eexasho.
xaglin eeg xagli.
page : 1524 of 1584
<< < 1519 1520 1521 1522 1523 1524 1525 1526 1527 1528 1529 > >>