xarig 1. Daliigo xaskul ah ama mayrax ama caw ama xariir ama bir ama wax kale oo inta la isku jebsho tidco, wax lagu xiro ama lagu jiido. 2. Xabsi.
xariggoys Dowligoys; sirsir.
xarigxarig Nagaar dhaadheer oo dhulka ku faalala, oo geelu aad u jecel yahay.
xarigxoolaad Xarig harag xoolaad laga tidcay ama laga soohay.
xariif (xarfaan, m.dh) 1. Qof xeelad badan. 2. Qof caqli badan. Xarfaan; Laacib.
xariiftamid eeg xariiftan². ld xariiftan¹.
xariiftan (1) ld xariiftamid.
xariiftan (2) Si xarfadi ku jirto qof cayaar ula dheelid.
xariir Caano biyo badan lagu daray; candiid; cindiid.
xariir (1) Lafdhabar; arxan. ld xiriir².
xariir (2) 1. Dhar jilicsan oo qurxoon qaalina ah oo duntiisa ay samayso diirdiirxariireedu. 2. (-ryo, m.dh) Summad idaha dhegaha looga dhigo oo labo alif ah.
xariir (3) ld xiriir³ (3).
xariir (4) Barxid (caano). ld xariiri.
xariirad ld xariirasho.
xariirasho eeg xariiro. ld xariirad.
xariiri ld xariir³.
xariirid (1) eeg xariir³. ld xariirin.
xariirid (2) eeg xariir². ld xiriirid.
xariirin ld xariirid.
xariiro Caano biyo badan ku darsasho.
xariq ku ligan sallax eeg ligane.
xarkag (1) ld xargag¹.
xarkag (2) ld xargag².
xarkagid ld xargagid¹.
xarkagsan ld xargagsan.
xarkagsanaan ld xargagsanaan.
xarkagsanaansho ld xargagsanaan.
xarmal Tiire.
xarmasho eeg xarmo.
xarmo 1. Xajiyid; xaj gudasho. 2. Waajibka xajka gudashadiisa gudagelid.
<< < 1534 1535 1536 1537 1538 1539 1540 1541 1542 1543 1544 > >>