Xariir

Qaabnaxa: m.l Isrogrogga:

Caano biyo badan lagu daray; candiid; cindiid.

Xariir

Qaabnaxa: Magac Dheddig ah | Feminine Noun Isrogrogga:

Lafdhabar; arxan. ld xiriir².

Xariir

Qaabnaxa: Magac Dheddig ah | Feminine Noun Isrogrogga:

1. Dhar jilicsan oo qurxoon qaalina ah oo duntiisa ay samayso diirdiirxariireedu. 2. (-ryo, m.dh) Summad idaha dhegaha looga dhigo oo labo alif ah.

Xariir

Qaabnaxa: Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1 Isrogrogga: (-ray, -rtay)

ld xiriir³ (3).

Xariir

Qaabnaxa: Fal Gudbe1 | Verb Transitive1 Isrogrogga: (-ray, -rtay)

Barxid (caano). ld xariiri.

Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga xariir

saari | af | bilcooshaan | cinjirrageed | cureeji | dabaggeli | dhar | diirdiir-xariireed | dun | faje |
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg