xiran2 Wax la xirey ahaansho. xirasho eeg xiro.
xirfad Shaqo aqoonteeda la leeyahay oo lagu shaqaysto; meherad. ld xirfo.
xirfadle Qof gacanta ka shaqeeya oo hawsha uu qabanaayo aqoon u leh.
xirfo ld xirfad.
xirgi Garaad; caqli.
xirid eeg xir². ld xirniin.
xiriir1 1. Qaab wax is daba yaalla ay isugu xiran yihiin. 2. Cilaaqaad ka dhexeeya laba qof ama ka badan. 3. Urur lammaaneyaal horsan, ama isku xir ka dhexeeya kutirsaneyaasha urur ama ururro. xiriir2 ld xariir¹. xiriir3 1. Wax si aan kala go'lahayn isu daba jooga noqosho. 2. La x.: arrin xogteeda cid kala hadlid. 3. ld xariir². xiriirfur1 ld xiriirfurid. xiriirfur2 Wax isku xirnaa kala furid. xiriirfurad ld xiriirfurasho.
xiriirfurasho eeg xiriirfuro. ld xiriir-furad.
xiriirfurid eeg xiriirfur². ld xiriirfur¹.
xiriirfuro Ka x.: awr iwm wixii uu ku daba xirnaa ka furasho.
xiriiri 1. Dad xiriir wanaagsan la yeelasho. 2. Awr iwm isku daba xirid. 3. Dad, hawl iwm xiriir ka dhexeysiin.
xiriirid eeg xiriir². ld xariirid.
xiriirin eeg xiriiri.
xiriiriye1 1. Qof bar-naamijyada ka baxa raadiyaha, telefishinka iwm dadka la socodsiiya. 2. Wax isku xira laba shay ama ka badan. xiriiriye2 (nax.) Curi-yeyaal aan isbeddeleyn oo loo adeegsado xiriirin labo erey ama labo koox erey oo weer iskula jira amaba labo weerood oo kala madax bannaan. Tus. “Sahal iyo Malyuun waa walaalo”. xiriirsan Wax, wax kale ku daba xiran ahaansho.
xiriirsanaan eeg xiriirsan. ld xiriir-sanaansho.
xiriirsanaansho ld xiriirsanaan.
xiriirsasho eeg xiriirso.
xiriirso 1. Wax, wax kale ku daba xirasho. 2. Cid afduubid.
xiritaan 1. Xafladda lagu gebegebeeyo hawl socotay. 2. Gebegebada hawl socotay.
xirmayn eeg xirmee.
xirmee Meel xirmo ka dhigid.
xirmid eeg xiran¹.
page : 1557 of 1584
<< < 1552 1553 1554 1555 1556 1557 1558 1559 1560 1561 1562 > >>