biyo (2) (kiim.) (H2O) Hoor midablaawe ah oo ku barafooba 0°C kuna uu biyooba 100°C marka cadaadisku yahay ka atmosfeerka. auumiga biyuhu wuxuu ka koobanyahay molikuyullo HO ah madi (kelikeli) ah. Biyuhu hoor ahaan, waa milaha ciriflaha ah ee ugu awood badan. Tan waxa ugu wacan sarraynta madoorsoomaheeda labdanab.
biyo galo (daaw.) Halaamacoodka maqaarka oo uu keeno fiirus waxaana lagu yaqaan finan yaryar oo biyo ku jiraan.
biyo-dhuleed (jool.) Biyaha ku jira shirqadaha iyo jeexjeexyada yaryar ee dabaqadda carrada, kuwaas oo gala marka biyaha roobka oo ceelasha iyo ilaha sameeya ay hoos ugu dusayaan carrada.
biyo-fadhis (juqr.) Jiid dhul jilcan oo qoyan, badanaa waa godantahay, mararka qaarkoodna dhammaanteed ama qayb ka mid ah ayaa biyaha ka hooseeysa.
biyo-fududayn (kiim.) Ka saaridda ayoonnada kaalsiyam, magniisiyam iyo feeram; iskudhis ahaan looga saaro biyaha ay ku milanyihiin; sidaa darteedna lagu yareeyo adkaanta biyaha.
biyo-goboleed (siyaa.) Jiid-badeed ku qabsan xeebta oo loo aqoonsanyahay dhul ay leedahay ummadda xeebta deggani; maritaanka jiidda ee si nabad ah caadi ayaa loogu oggolyahay gaadiidbadeedka ummadaha oo dhan.
biyo-saar (baay.) Habka dhirtu biyaha ay xididdadu u soo nuugaan dib ugu celiso gibilka iyaga oo maraya daloollada caleemaha iyagoo uumibiyood ah.
biyobax (c.nafl.) Shahwo ka soo bixidda guska oo kacsan.
biyoculus (1) Ceelasha la shubo meesha isha xigta.
biyoculus (2) (kiim.) Diyuteeriyam ogsaydh: biyaha atamyadu haydarojiin ee ku jiray, 1H, ay beddeleen isku godka ka culus ee diyuuteeriyam, 2H, summaddiisuna tahay D. Waa hoor midab laawe ah.
biyodhac (jool.) Dhicidbiyood degdeg ah, badanaa waxa sameeya sal dhadhaab adag ee marin webi, oo ufug ah ama tiiro hoosaad deggan, oo dul yaal dhadhaab jilicsan.
biyodhac-yar (jool.) Meel ama meelo isdaba taxan oo ah biyo shub ama biyo shubyo aan sidaa u waaweynayn.
biyogal (daaw.) Meel haragga ka mid ah oo soo foocsan inta badan biyo ku jiran, mararka qaarkoodna dhiig ku jiro ama malax.
biyoobid eeg biyow². ld biyow¹.
biyood (c.nafl.) Degaan b. ama sinjiyo noole ah oo ku nool biyaha dhexdooda, dhir iyo xayawaan mid kastaba ha ahaadee.
biyoole 1. Qof biyo dhaamiya oo dadka ka iibsha. 2. Baabuur boyaad saarantahay oo biyo lagu qaado.
biyow (1) ld biyoobid.
biyow (2) Wax biyuhu ka bateen noqosho.
biyuutanool (kiim.) Biyuutayl alkohool: C H OH. Hoor yeelan kara afar qaab oo isku-naanaysood. Biyuunta-1-ool,CH CH CH CH -OH, bar-karkeedu waa 117.5°C, waxana loo isticmaalaa mile ahaan.
bocool 1. Qolof adag oo nafley yaryar oo biyo ku nool ah galaan oo laga helo xeebaha iyo meelaha ay biyuhu ka guraan. 2. Meel calaacasha ama cagaha ka mid ah oo uu dhacaan khafiif ah galay marka cirid lagu socdo ama hawl adag gacnaha lagu qabto.
bocoolaggale Nafley yar, biyo ku nool oo bocoosha gasha.
bocoolaggurad Muran, akeekan. ld bocoolaggurasho.
bocoolaggurasho eeg bocoolaguro. ld bocoolaggurad.
bocoolagguro Si diidmo iyo jikraar leh cid ugu jawaabid.
bocor (1) 1. Burcadka caanaha geela ka soo baxa. 2. Meesha kuusan oo cunaha ragga ku taal. 3. Miro ay qaraha isku bahyihiin oo la cuno marka la kariyo. 4. Geedka digirta marka uusan weli aad u soo bixin ee madaxiisu fooraro.
bocor (2) 1. Miro aroorro leh oo sida qaraha u weyn oo la cuno. 2. B. ah: gabadh aad u qurxoon.
bod 1. Meel lagu taagnaa si dhaqso iyo xoog leh kor uga kicid iyaadoo lugaha hal mar la wada qaadayo. 2. Sac kudid (dibi). 3. Ka b.: wax qotoma dul marid iyadoo dhankeeda kale lagu dhacayo. 4. Kala b.: arrin iwm ku heshin waayid.
bog (1) 1. Caloosha meesheeda sare. 2. Baalka xaashida labadeeda dhinac midkood.
bog (2) (c.nafl.) Muruq ballaaran oo xalleef ah oo kala xira uurka iyo saabka nafleyda. Wuxuu kaalin weyn ka qaataa neefsashada: qaadashada tuurista hawada.
bog (3) 1.(f.g) Wax qabya ahaa dhammaysitirid. 2. (f.g) Hawl billaabid oo dhammaystirid. 3.(f.mg) U b.: wax jeclaan: hadalkiisaan u boggay.
<< < 152 153 154 155 156 157 158 159 160 161 162 > >>