Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: afxirasho
dhugo  1. Wax fiirin. 2. Wax nishaabid.
dhugtamid  ld dhaqtamid.
dhugtan1  ld dhaqtan¹. dhugtan2  ld dhaqtan². dhuguc1  1. Miro aad u bislaaday; dhuubaan. 2. ld dhugucid. dhuguc2  Miro aad u bislaasho. dhuguf  Qof gaaban oo murqo kuuskuusan leh.
dhugufsan  Qof dhuguf ah ahaansho.
dhugufsanaan  eeg dhugufsan. ld dhugufsanaansho.
dhugufsanaansho  ld dhugufsanaan.
dhuhdhuhlayn  ld dhuxdhuxlayn.
dhuhdhuhle  ld dhuxdhuxle.
dhuhdhuhlee  ld dhuxdhuxlee.
dhukaamid  eeg dhukaan².
dhukaan1  Cudur ur qurmoon leh geela ku dhaca, neefka daaqa u diida oo uu la caatoobo. dhukaan2  Dhukaan qaadid (geel). dhukan  Wax dhego yaryar ahaansho (nafley).
dhukanaan  eeg dhukan. ld dhukanaansho.
dhukanaansho  ld dhukanaan.
dhukay  Dhegdheg madow-xigeen ah oo dhegta gudaheeda sare qanjirradu ku dhaliyaan.
dhukayasho  eeg dhukayo.
dhukayo  Dhukay iska bixin.
dhukubo  Qiimaha iyo anfaca.
dhul  1. Meeraha dadku dushiisa ku nool yahay. 2. Barri. 3. Dal.
dhul-aasid  (jool) Dariiqadda uu webigu ku dhigo ama ku fuulo meelaha godgodan waxyaabaha adag ee uu sido.
dhul-abaahi  Cudur awrta ku dhaca oo caarka ka soo rida.
dhul-duniyeed  (c.fal.) Midka shanaad sagaalka meere qorraxeed marka la fiirsho xagga baaxadda ama weynaanta, isla markaas waa midka saddexaad marka la fiirsho ka fogaanta qorraxda. Oogada dhulka ee adag ee xagga usha ah waxaa loo yaqaan litosfeer, waxaana qayb weyn oo ka mid ah daboola biyoolayda dhulka, waxaana ku gedfan neefo loo yaqaan gibilka.
dhul-madaxeed yar  (juqr.) Qar ka soo dul baxsan badda.
dhul-rif  (jool.) Lisanka dhulka ku dhaca ee ka dhasha dabaylaha, biyaha socda, mase barafka iyaga oo qaadaya waxyaalihii dhulka ka rifmay sida ciidda iyo dhagxaanta.
dhulballaarsad  ld dhulballaarsi.
page : 157 of 218
<< < 152 153 154 155 156 157 158 159 160 161 162 > >>

 

Exit mobile version