xujuub ld xujub.
xukuman Wax xukun ku dhacay ahaansho.
xukumid eeg xukun². ld xakumid.
xukumnaan eeg xukuman. ld xukum-naansho.
xukumnaansho ld xukumnaan.
xukun1 1. Talis, guddoon. 2. ld xugmi. Go'aan maxkamadeed. 3. ld xakaamad, xukuumad. Dowlad; dawlo. ld xugun. xukun2 1. Wax maamulid. 2. Cid go'aan maxkamadeed ku qaadid. xukun militeri 1. (siyaa.) Dawlad militri oo ku qabsatay awoodda xukunka xoog militeri, doorasho la'aan. 2. (siyaa.) Sharciyo gaar ahaan lagu soo rogo dal, awood dhe-raadna siiya taliyaasha xoogga dalka, markuu dalkas gudihiisa ama dibaddiisa dagaal halis ah ka jiro.
xukun-la'aan 1. (siyaa.) Dawlad la'aan. 2. (siyaa.) Dhaqdhaqaaq siyaaso-bulshadeed oo aaminsan in qaranku uu ku dhisnaado xuriyadda iyo madaxbannanidda qofka.
xukuumad ld xukun¹ (3).
xul1 1. Wax badan kuwa laga soo xushtay. 2. ld xulid. xul2 (xulay, xushay) 1. Tiro wax kale oo la nooc ah fiicnaan uga doorid. 2. Wax, wax kale ka dhex baarid. 3. Kayn iwm dhex marid. xulad ld xulasho.
xulafo Dad is bahaystay.
xulan Wax xul lagu sameeyey ahaansho.
xulanti Wax badan inta laga soo xushay oo ugu wareegsan.
xulasho eeg xulo. ld xulad.
xulasho-dabeeci (baay.) Marka laga hadlayo aragtida Daarwin, dariiqad ku soo darta tadawurka sinjiyo cusub oo xayawaan iyo dhirba leh.
xulato Laba qof, laba dawladood, laba cidood ama ka badan oo gacan saar yeesha ama isbahaysi.
xulbad Nagaar caws ah oo mirihiisa la cuno ama sanuunadda iyo wixii la mid ah lagu geedeeyo.
xuli 1. Wax fiicnaan ay leeyihiin ku soocasho. 2. Wax, wax ka baarasho.
xulid eeg xul². ld xul¹ (2).
xulin eeg xuli.
xulnaan eeg xulan. ld xulnaansho.
xulnaansho ld xulnaan.
xulo (xushay, xulatay) Wax badan kuwa ugu wanaagsan kala bixid.
xuloobid eeg xulow².
xulow1 Biyo gala cagaha marka kabo la'aan lagu socdo kulayl. xulow2 Kulayl lagu socdo kabo la'aan awgeed cago biyo gelid. xulquun ld xurquun.
page : 1567 of 1584
<< < 1562 1563 1564 1565 1566 1567 1568 1569 1570 1571 1572 > >>