dhulballaarsasho ld dhulballaarsi.
dhulballaarsi Qabsashada ay cidi qabsato dhul aanay lahayn. ld dalballaarsi, dhulballaarsad, dhulballaarsasho.
dhulbar Xarriiq dhulka u qeybisa laba qeybood oo isle'eg. ld dhulbare.
dhulbaraf Dhul baraf si joogto ah u fadhiyo.
dhulbare ld dhulbar.
dhulcawseed Dhul caws badani ka baxo, oo geed-gaab leh.
dhuldhac1 1. Kabbiska guriga. 2. Jirro culus oo qof la kici waayo. 3. ld dhuldhicid. dhuldhac2 Jirro culus awgeed la kici waayid (qof). dhuldhicid eeg dhuldhac². ld dhuldhac¹ (3).
dhulfidsi Dhulballaarsi.
dhulfiiq Qof u qaybsan xaaqidda ama nadiifinta magaalada.
dhulgariir1 Ruxashada dhulka ka dhacda oo dushiisa dildillaac u yeesha oo burbur iyo waxyeello badan keenta. dhulgariir2 (jool.) Dhaqaaqa ama jaraynta oogada dhulka oo ku billaabata si dabiici ah, kana billaabata meel ka hooseysa oogada dhulka. Mararka qaarkood dhaqaaqaasi wuxuu u keenaa isbeddel waara heerka sinnaanta dhulka. dhulgoosad Hab dhaqan-dhaqaale ku dhisan oo dhul-beereed dadyari hantiyo. ld dhulgoosi.
dhulgoosi ld dhulgoosad.
dhulgoyn (jool.) Jarida dhulka oo ay gooyaan wakiilo dabiici ahi, sida qorraxda, dabaysha, roobka, biyaha qulqula, barafka dhaqaaga, iyo badda.
dhuljarid (jool.) Goynta dhulka dushiisa, gaar ahaan dooxada webiyada si dooxada salkeedu loo sii goto.
dhulkasoofuur Boqoshaa.
dhullaawe Qof aan waddan lahayn.
dhullax Kasoobbax yar. ld dhullux.
dhulley Dad dhul ballaaran leh.
dhullux ld dhullax.
dhulmad ld dhulman.
dhulman Qolof adag fidsan, laba qalbac ah oo nafleyda yaryar ee baddu ku dhex nooshahay. ld dhulmad.
dhulmareen 1. Qof dalal badan maray oo waayo arag ah. 2. Qof dhul aan hore loo aqoon helay.
dhulqaadasho eeg dhulqaado.
dhulqaado U dh.: wax u adkaysasho.
dhulqabad ld dhulqabasho.
dhulqabasho eeg dhulqabo. ld dhulqabad.
dhulqabo Si fudud dhaqan ugu barasho.
page : 158 of 218
<< < 153 154 155 156 157 158 159 160 161 162 163 > >>