falkanaan eeg falkan². ld falagsanaan, falagsanaansho, falkanaansho.
falkanaansho ld falkanaan.
falkasho eeg falko². ld falagsad, falagsasho, falagsi.
falki Falko samayn. ld falag².
falkid ld falkin.
falkin eeg falki. ld falkid, falkis.
falkis ld falkin.
falko1 1. Daar, derin iwm oo caw ka samaysan oo aan midab lagu xardhin. 2. ld falag¹. falko2 Falag samaysasho. ld falagso. fallaadh-cireed (fiis.) Kaaha saxar tamaraysan oo soo gaadha dhulka kana yimaada cirka. Waxa ay badanaaba ka koobanyihiin borotoono leh xaddiyo yaryar oo bu'o culus ah. Waxa kale oo ku jira footoono iyo nooc ka mid ah niyuutaroonada dhexdhexaadka ah.
fallaadho-qotin-tabane (fiis.) Durdur elektaroono oo ka soo baxa qotin tabanaha tuubbada madhan ee leh qotin tabane iyo qotin togan.
fallaag Nin fallaag ah.
fallaagad Naag fallaago noqotay.
fallaagannimo Fallaago ahaansho.
fallaagayn eeg fallaagee.
fallaagee 1. (f.g) Cid fallaago ka dhigid. 2. (f.mg) Cid fallaago noqosho.
fallaageyn eeg fallaagee. ld fallaageys.
fallaageys ld fallaageyn.
fallaagnimo ld fallaaganimo.
fallaago 1. Dad hubaysan oo dawlad ka fakaday oo duur ku jir ah; burcad. 2. Nin f. ah: qof ka mid ah dad hubaysan oo burcad ah.
fallaagoobid eeg fallaagow.
fallaagow Fallaago noqosho.
fallaar 1. Bir yar, dhuuban, afka gammuun looga daabo, qaansooyinka laga gamo oo loo adeegsado dagaalka iyo ugaarsiga. 2. Nudo dhuudhuuban oo iftiinka qorraxda keena.
fallaar gaama (fiis.) Kaah birlab danabeed ay si joogto ah u bixiyaan walxo kaahfala marka ay walaxdu ku jirto kalaguurbu'eed.
fallaax Qof waji iyo laab furan.
fallar Wax siddeed meelood oo is le'eg loo qaybshey, meeshood; tumun. Tus. “Hasha la shireystay f. iga sii”.
falleer ld falleyr.
falleyr Dillaac dhegaha xoolaha summad ahaan loogu yeelo.
falli Nimco iyo khayr dheeraad ah o xag Ilaah laga bixiyo. ld fadli¹.
falliir1 Cad yar oo ka dillaacay dhagax, qori, bir iwm.
page : 17 of 73
<< < 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 > >>