falki
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)Falko samayn. ld falag².
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh falki ↴
unko [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-kaday, -katay)
Weel toliddiisa ama caw, harrar iwm falkintooda billaabid.
xabbadqaad [m.l]
1. Hab loo falkiyo der-mooyinka kabahooda casaan ku jiro. 2. Bi-lawga shax ciyaaridda marka la rabo in la guuro hogta la qaado si loo helo jid. 3. (-dyo, m.dh) buntukh hal xabbad kaliya qaada.
curuq [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-rqay, -ruqday; -rqi)
1. Shay la tolay ama la falkiyey guntiin yeelasho. 2. Kaddib markii fadhi lagu raago xanuun yar murqaha ka dareemid. Tus. “Lug baa i curuqday”.
falag [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-lgay, -lagtay)
ld falki.
falkid [m.dh]
ld falkin.
falkin [m.f.dh]
eeg falki. ld falkid, falkis.
falkis [m.l]
ld falkin.
farshaxan [m.l]
1. Fanka qoridda, aslidda, soohidda, falkinta iwm. 2. Qof fanka qoridda, aslidda iwm aad u yaqaan.
jawaan [m.l] (-nno, m.dh)
Kiish ka samaysan liilammo ama xargo yaryar oo la isku falkiyay. ld joonyad, juuni.