Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: cashrin
wanjaaci Ka w.: wax cid ka leexin.
wanjiaacin eeg wanjaaci.
wankalaali (1) Bootin dheer oo fardaha iwm sameeyaan. ld wankalaalis.
wankalaali (2) Faras iwm, tog ka bootin.
wankalaalin eeg wankalaali². ld wankalaali¹, wankalaalis.
wankalaalis ld wankalaalin.
wanniq Geednagaar caleemo yaryar iyo laamo dhuudhuuban leh.
wanqaari Qof dhibaato jir u geysasho. Tus. “Caasho wiilkii bay wanqaartay”.
wanqaarin eeg wanqaari.
wanqal ld waqlal.
wanqar (1) Dhaawac halis ah.
wanqar (2) 1. (xis.) Guud ahaan, shaxan ama tibaax waxa la yiraahdaa waa wanqaranyahay haddii qaybo ka mid ah shaxanka ama tibaaxda la isku beddel karo iyada oo aan shaxanka ama tibxaha la doorin. Shaxan joometariyeed waxa uu leeyahay wanqar noqod haddii baro ku yaalla shaxanka ay leeyihiin baro ku aaddan oo ka soo noqday bar kale oo loo yaqaan xuddun wanqareed, xarriiq wanqareed ama sallax wanqareed. 2. (xis.) Shaxan kasta oo loo qaybin karo laba qaybood oo middiiba midka kale uu u yahay humaag muraayadeed shaxan sallax ah waxa uu leeyahay ugu yaraan hal xarriiq wanqareed oo u qaybisa laba humaag muraayadeed. Xarafka A waa wanqaranyahay; is mana beddelo marka muraayad lagu eego. Hase yeeshe, xarafka R ma aha wanqar.
wanqar (3) Ugaar, xoolo iwm iyada oo uur-kujirta laga saarayo calool ka dillaacin.
wanqaran Wax la wanqaray ahaansho (nafley).
wanqarid eeg wanqar².
wanqarnaan eeg wanqaran. ld wanqarnaansho.
wanqarnaansho ld wanqarnaan.
wanshiir Nafley daalid.
wanshiirid eeg wanshiir.
wansiix (1) Caano la lulayo oo subag ama firfir billaabay markaas.
wansiix (2) Caano la lulayo firfir ama subag yeelasho.
wansiixi Caano wansiix ka dhigid.
wansiixid eeg wansiix².
wansiixin eeg wansiixi.
wansiixsan Caano la lulay wax wansiixay ahaansho.
wansiixsanaan eeg wansiixsan. ld wansiixsanaansho.
wansiixsanaansho ld wansiixsanaan.
wantatiir (1) ld fantatiirid.
wantatiir (2) ld fantatiir².
wantatiirid ld fantatiirid.
<< < 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 > >>

 

Exit mobile version