Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: afxirasho
dhur2  Biyo weel dardarid iyadoo meel kale lagu shubayo. dhuraal1  Ceel biyo yarood ah oo in qof la geliyo oo uu biyaha soo dhuro mooyee aan si kale looga cabbin. dhuraal2  1. Dh. ah: ceel biyo yarood ah oo aan wadaamaha la dardari karin. 2. Dhuridda biyo weel lagu dhuro iyadoo meel kale lagu shubayo. dhuran1  Wax hadal tiro badan oo aan xikmad lahayn sheegaya noqosho (qof). dhuran2  Wax la dhuray ahaansho (biyo). dhurasho  eeg dhuro.
dhurbe  Jaadadka cawska mid ka mid ah.
dhurdarraysad  ld dhurdharraysasho.
dhurdarraysasho  eeg dhurdarrayso. ld dhurdarraysad, dhurdarraysi.
dhurdarraysi  ld dhurdarraysasho.
dhurdarrayso  Aayaxumo la kulmid.
dhurdarro  Aayaxumo.
dhurdarroobid  eeg dhurdarrow.
dhurdarrow  Qof aayaxumo la kulmay noqosho.
dhurde  Cayayaan sida gelmiga u yaryar oo surta sameeya.
dhure  1. Fandhaal weyn. 2. Weel kasta oo wax lagu dhuro.
dhurgumid  eeg dhurgun².
dhurgun1  Diismidda meel jirka ka mid ah oo barartay diisanta. dhurgun2  Meel jirka ka mid ah oo baratay diismid. dhurgunsan  Wax dhurgun haya ahaansho (jir).
dhurgunsanaan  eeg dhurgunsan. ld durgunsanaansho.
dhurgunsanaansho  ld dhurgunsanaan.
dhurid  eeg dhur².
dhurmid  eeg dhuran¹.
dhurnaan  eeg dhuran². ld dhurnaansho.
dhurnaansho  ld dhurnaan.
dhuro  1. (f.g) Hoore weel ku shubasho iyadoo weel yar la dardarayo. 2. (f.mg) U dh.: dhaqan ama dabeecad ciddiisu hidde u lahayd la soo bixid.
dhuroobid  eeg dhurow².
dhurow1  1. Liibaan; khayr. 2. ld dhuroobid. dhurow2  Liibaan, taran, khayr iwm helid (qof).
page : 161 of 218
<< < 156 157 158 159 160 161 162 163 164 165 166 > >>

 

Exit mobile version