dhurruur Biyo calawsan kala miirid.
dhursug Ka dh.: faa'iido dambe ama aayatiin wanaagsan ka dhowrid.
dhursugid eeg dhursug.
dhururi ld dhururuq.
dhururuq Kumi toban meelood loo qeybiyey mid ka mid ah; senti. ld dhururi.
dhurwaa Dugaag yeyda wax xoogaa ka weyn, xoolaha laaya, ilko adag oo lafaha burburiya leh oo labada lugood ee dambe u gaaban.
dhurwaayo Maro midabkeedu isugu jiro madow iyo caddaan oo aalaa danyartu qaadato.
dhusaas Ciddood (ugaar), ka weyn sagaaradana, eeladana ka yar.
dhusinraac (baay.) Koridda xubno ka tirsan geedka iyaga oo ka jawaabaya cuf-isjiidadka.
dhusundhus (dhusundhus, m.dh) Geed-quwaax leh dheecaan dufan leh oo urtiisu sida gaaska tahay. ld dhudhus.
dhusuq Uskag; wasakh.
dhuti Nafley addimada mid ka mid ah wax ka qabta si aan isu miisaaneyn u socosho. ld dhiti².
dhutin eeg dhuti. ld dhitin, dhitis, dhutis.
dhutis ld dhutin.
dhuu Harag jilicsan oo waayadii hore dhar laga dhigan jiray. ld dhugi.
dhuub1 1. Daliig mayrax ama xaskul ah. 2. Laa barshin oo caw ah oo isku xiran. 3. Sacab muggiis oo badar, sonkor iwm ah. 4. Mid ka mid ah ubaxa docihiisa. dhuub2 Dhenged. dhuub3 Wax baaxaddiisa yaryar. dhuubaan Miro bisil oo engegan.
dhuubad ld dhuubasho.
dhuuban Wax baaxaddiisa la yareeyey ahaansho.
dhuubane Jaad kalluunka ka mid ah.
dhuubasho eeg dhuubo. ld dhuubad.
dhuubid eeg dhuub².
dhuubnaan eeg dhuuban. ld dhuubnaansho, dhuubni.
dhuubnaansho eeg dhuubnow. ld dhuubnaan.
dhuubni ld dhuubnaan.
dhuubnow 1. Wax dhuuban noqosho. 2. Wax caato ah noqosho.
dhuubo 1. Noqosho wax dhuuban. 2. Noqosho wax caato ah.
dhuudhi 1. Dixiri dadka ka gala cagaha oo ka dhasha meelaha muddo dheer la degganaa. 2. Xanuun jirka saaqa marka dab, nabar iwm gaaraan.
page : 162 of 218
<< < 157 158 159 160 161 162 163 164 165 166 167 > >>