Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: dabaylwac
dibindaabyeyn  eeg dibindaabyee.
dibindaabyo  1. Waxyeello. 2. Khayaano.
dibir  Dhul ciid adag, dhano ah oo aan geedo badan lahayn; dhooddi.
dibir1  Legdin dhulka si xoog leh laysugu dhufto. ld dibirrooti¹. dibirrooti1  ld dibir. dibirrooti2  Legdin si xoog leh dhulka qof ugu dhufasho. dibirrootiyid  eeg dibirrooti².
dibiyee  Awr si dibiyo ah u rarid.
dibiyeyn  eeg dibiyee.
dibiyeysan  Wax si dibaya ah u raran ahaansho (rati).
dibiyeysnaan  eeg dibiyeysan. ld dibiyeysnaansho.
dibiyeysnaansho  ld dibiyeysnaan.
dibiyo  D. ah: rar aan kabaallo lahayn oo awr saaran.
dibjir1  1. Qof sabool ah oo aan hoy uu u hoydo lahayn. 2. Kuray geela ilaaliya. dibjir2  Habeen dhan qadid. dibjirid  eeg dibjir².
dibjirnimo  Dibjir ahaansho.
dibjiryo  Qatooyada habeen dhan la qado.
dibkabe  (nax.) Lifaaq kagu dhejiyo sal magac ama fal dhammaadkiisa, yacnii dhiniciisa midig. Tus. “Dukaanle baa illinka furay”.
dibkannaax  ld dabakannaax.
dibkannaaxid  ld dabakannaaxid.
dibla'aan  1. Dib la'aanshada. 2. (fk) Si fudud u ah.
diblad  ld dublo.
diblo  ld dublo.
diblomaasi  Hawlwadeen siyaasi ah oo ugu qaybsan dalkiisa xiriir dalal shisheeye.
diblomaasiyad  (siyaa.) Xirribta iyo siyaasad wanaagga lagu maamulo xiriirka ka dhexeeya dawladaha.
dibqallooc  Bahal yar oo caarada la bah ah oo ku nool dalalka kulaylaha ah. Wuxuu leeyahay lix lugood iyo labaciddiyood oo sida birqaabka wax u qabta iyo dabodheer oo xubno leh oo kor u qaroofan oo ku dhamaata caarad daloosha oo wax mudda oo uu waabaayada ka dhiijiyo; qaniinyadiisu waa xanuun badantahay, kolkolna waa loo dhintaa. ld dabaqallooc.
dibri  Cid dibir ku dhufasho.
dibrin  eeg dibri.
dibtaag  ld dabataag.
page : 169 of 218
<< < 164 165 166 167 168 169 170 171 172 173 174 > >>

 

Exit mobile version