lafilaan L. ah: wax la saadaalin karo.
lafjeego (c.nafl.) Laf qaab weel godan leh ee ka mid ah qaybaha lafta madaxa oo sameysa qaarka dambe ee lafta madaxa iyo qaar ka mid ah salka lafta madaxa.
laflay (bot.) Midho jiidh leh oo ka yimaada hal ama dhowr kaarbal oo isku dhalaalay oo leh mid ka mid ah iniiyaha badan. Iniiyaha waxa ku daboolan qolof adag oo ah gudo midheedka midhaha. Tus.: qumbe.
lafmadax (c.nafl.) Lafta madaxa oo gudeheeda maskaxdu ku jirto.
lafo (dhaq.) Lacagta hore ee ganacsiga la geliyo; raasamaal.
lafoobid eeg lafow.
lafow Qof wax lafaha madaxu jabanyihiin noqosho.
lafsakaar (c.nafl.) Laf fidsan oo laabta bartankeeda ku taal oo karreesaha iyo feeraha kore isugu haysa.
lafti Dad nasab ah.
lag 1. Tiro aan cayinnayn oo ka badan kun. 2. Tiro dhan boqol kun. 3. Kun malyuun; bilyan. 4. ld laag².
lagamamaarmaan L. ah: wax aan la huri karin.
lagamamaarmaannimo Wax aan laga maarmin ahaansho.
lagarroone 1. Qof wax matare ah; nacas. 2. Ciniin.
lagas (fiis.) (halbeeg) Summad: Lx. halbeegga caalamiga (H.C.) ee iftiimida, le'egna iftiinka uu soo kaahiyo burqad iftiimeedka 1 luuman ah, kuna fidsan bed hal mitir labajibbaaran.
lagiiji Wax xarig ku dhuujin.
lagiijin eeg lagiiji. ld lagiijis.
lagiijis ld lagiijin.
lagu-dhasho (daaw.) Xaalad qaabdarro ama cudur oo qofka ku dhasho qaabdarrada lagu dhasho waxay isugu jiraan cudurrada la dhaxlo iyo kuwa bey'addu keento.
lagudhufte (xis.) Tirada ama tibixda lagu dhufto tiro ama tibix kale (dhufte) marka la sammeynayo iskudhufasho.
lahaan eeg leh. ld lahaansho.
lahaansho ld lahaan.
lahad ld lahasho.
lahan 1. Raad waxyeello leh, qarsoon oo uu reebo cudur iwm. 2. Ciil caro badan leh.
lahasho eeg laho. ld lahad.
lahaye Qof xabsi ku jiro oo aan maxkamadi xukumin.
lahjad Af guri.
laho 1. Laabta wax ka jecleysasho. 2. U l.: wax si aad ah u filasho.
lajo Aleel yaryar.
lakab1 1. In is-haysato oo fidsan oo isku qira ah; baal; dabool. 2. Ilig agtiisa ilig kale ka soo baxo. lakab2 (jool.) Ha badnaado hase yaraadee waa lakab gooni ah oo dhadhaabeed, oo ka mid ah rasooyinka dhulka oogadiisa.
page : 18 of 46
<< < 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 > >>