lafo
(m.l)

(dhaq.) Lacagta hore ee ganacsiga la geliyo; raasamaal.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh lafo

qaarxabaal [m.l]
1. (bot.) Geed sida qaraha u faalala oo kor ku yeesha miro waaweyn kuwa bocorta la eg, hoosna ku leh buruq weyn oo inta la jarjaro xoolaha lagu oon baxsho. 2. (daaw.) Xabaalidda qof lafo xanuun qaba qaarka dambe carro kulul loogu duugo si loogu daweeyo.

qaarxabaal [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-aalay, -aashay)
Qof lafo xanuun qaba qaarka dambe carro kukul loogu duugo si loogu daweeyo, xabaalid.

raasammaal [m.l]
1. Hantida asaasiga ah ee ganacsi lagu bilaabo; lafo. 2. Hanti qof leeyahay. ld raasumaal.

taarsuus [m.l]
(c.nafl.) Toddobada lafood ee yaryar oo sameeya xubin isgoyska u dhexeeya lafta dheer ee lugta iyo lafaha faraha cagta.

axar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-xray, -xartay)
1. Timir iwm lafo ka saarid. 2. Arrin aad uga baaraandegid.

biixiweyn [m.dh] (-nno, m.dh)
(c.nafl.) Lafdhabarleyda berriga ku nool, addimadooda dambe (kubka), labadiisa lafood tan weyn.

canqaw [m.l] (-wyo, m.dh)
Labada lafood ee ka soo taagan meesha cagta iyo kubka iska galaan middood. ld anqow.

daan [m.l] (-aaman, m.l)
Afka labadiisa lafood oo ilkuhu ku yaalliin.

dhuux-lafo-holac [m.l]
(daaw.) Halaama- coodka dhuuxa iyo lafaha oo uu keeno caabuq. Waa khatar la socota markii lafi jabto, waa in si aad ah looga taxadaraa mar walba oo dhuuxa la gaaro xilliga qallinka lafaha iyo xubno-isgoysyada. Waxa kale oo keeni kara jeermi dhiigga la socda.

dixiri [m.l]
Dulin xamaarta, noocyo badan, lafo iyo lugo lahayn oo oogadiisna xibnoxibno u qaybsantahay. ld dirxi, dixri, tirxi, tixiri, tixri.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg