Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: hirqad
madax-adkaansho  ld madax-adkaan.
madax-araxley  ld madax-adhaxley.
madax-xanuun  (daaw.) Xanuun madaxa ku dhaca; madax-wareer. ld madaxwareer.
madax-xige  Miisaaniyadda dawladda iwm qaybta ay u sii kala baxdo mid ka mid ah oo la sii qaybshay middood.
madaxbannaan  1. Hay'ad iwm oo danahooda u xor ah ahaansho. 2. Haweeney aan nin lahayn ahaansho. 3. Dawlad calan leh oo xor ah ahaansho.
madaxbannaanaan  eeg madaxbannaan. ld madaxbannaanaansho, madaxbannaani.
madaxbannaanaansho  eeg madaxbaannanow. ld madaxbannaanaan.
madaxbannaani  ld madaxbannaanaan.
madaxbannaanow  1. Ka m.: hawl iwm fulinteeda xor u noqosho. 2. Ka m.: cid cid kale maamulkeeda, xukunkeeda iwm ka xor noqosho.
madaxbuq  (bot.) Geedgaab faallala oo leh laamo jilicsan iyo bari weyn oo dharka lagu mayrto; maskaxbuq; qasanqas; madaxbushi. ld madaxbushi, maskaxbuq.
madaxbushi  ld madaxbuq.
madaxee  1. Kubbad madaxa ku dhufasho. 2. Shir iwm hoggaamin (qof).
madaxeyn  eeg madaxee.
madaxfalluuq  Caro iyo dulqaad yari qof dabeecad u leeyahay.
madaxfarad  Wareer iyo xanuun dadka madaxa ka qabta.
madaxfareed  ld maskaxfareed.
madaxfurad  1. (-dyo, m.dh) Hanti iwm oo lagu furto qof la qafaalay. 2. ld madaxfurasho.
madaxfurasho  eeg madaxfuro. ld madaxfurad (2).
madaxfuro  Qof la qafaalay hanti ku soo furasho.
madaxkuti  1. Dugaag naasleyda ka mid ah oo leh dhogor duf ah, cago balballaaran iyo dabo aad u gaaban, kuna nool dhulka qaboobaha ah. 2. Sheeko khayaali ah oo ku saabsan naag hal jirtay oo dadka aaminsanaa in ay habeenkii soo bixi jirtay oo dadka cuni jirtay.
madaxla'  1. Waddo yar oo markii waxyar lagu socdo dhammaato. 2. Jeex wax yar markuu socdo dhamaada.
madaxmaygaag  Geedgaab xooluhu daaqaan oo ka baxa cadduunka.
madaxnimo  Madax ahaansho (qof). ld madaxti, madaxtinnimo.
madaxsalaax  U m.: cid sasabid.
madaxsalaaxid  eeg madaxsalaax.
madaxshub  1. Sadaqo loo bixiyo qof haween ah oo dhintay. 2. Allabbari haweenku bixiyaan marka ay soo sid-dhaweeyaan; kuraysi; taraaraysi; sagaalaysi.
madaxti  ld madaxnimo.
madaxtinnimo  ld madaxnimo.
madaxtooyo  Rugta uu madaxweynuhu fadhiisto.
madaxtus1  1. Tegidda la tago meel hawl laga hayo iyadoo aan la doonayn in laga qayb qaato. 2. Kormeer aan toos ahayn oo cid hawl haysa lagu sameeyo. ld madaxtusid.
page : 18 of 131
<< < 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 > >>

 

Exit mobile version