tallaalnaansho ld tallaalnaan.
tallamid eeg tallan². ld tallan¹ (2).
tallan (1) 1. Laballaabow; shaki; walaac. 2. ld tallamid.
tallan (2) Ka t.: wax samayntooda ku fekerid.
talleeji ld kalleeti¹.
talli Saaruq.
tallooji ld kalleeti¹.
tallowsan ld tallaabsan.
tallowsanaan ld tallaabsanaan.
tallowsanaansho ld tallaabsanaan.
talmas (c.nafl.) Qayb ka tirsan maskax-horaadka lafdhabarleyda oo ku taalla aybotalamaska korkiisa. Waxay wararka dareenka u gudbisaa lakabyaga maskax horaadka, waxa kale oo ay ku shuqul leedahay u beddelidda gujooyinka dareemo wacyi leh.
talo Fikrad wax ku ool ah oo cid tuseysa sidii uu wax u qabsaan lahaa.
talqiin 1. (dii.) Hadallo duco iyo dardaaran isugu jira oo qof dhintay xabaashiisa lagu kor akhriyo. 2. Qof sakaraad ah oo towxiidka loo laqimayo. ld taqliin.
taltaal 1. Cid hawl ay hayso ka jeedin. 2. Balaayo cid ku dhicid.
taltaalid eeg taltaal.
taltalliini (riw.) Aktarka majaajillada sameeya oo dadka ka qososhiya.
taluul (1) Boor, qiiq iwm oo samada isku taaga.
taluul (2) Boor, qiiq iwm kor isu taagid.
taluulan (1) Boor, qiiq iwm wax kor isu taagay noqosho.
taluulan (2) Boor, qiiq iwm wax kor isu taagay ahaansho.
taluulid eeg taluul².
taluulmid eeg taluulan¹.
taluulnaan eeg taluulan². ld taluul-naansho.
taluulnaansho ld taluulnaan.
tamanda' (1) Hadal aan madax iyo manjo midna lahayn; cantar.
tamanda' (2) Hadal badan oo aan murti lahayn ku hadlid.
tamandho Yaanyo.
tamandi'id eeg tamanda'².
tamar (1) ld tabar.
tamar (2) (fiis.) Summad: E. Astaanta qabashada hawl. T.ta waxay leedahay dhawr qaab, waxana lagu cabbiraa juul (J) (eeg t. keyd iyo t. socod). ld tabar.
<< < 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 > >>