Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: tafantoof
buqul (2) Dhiil yar oo caanaha loogu shubo dhallaanka; dhoqol.
buquuji Ceejin.
buquujin eeg buquuji.
buquul ld baqal¹.
bur (1) 1. Budo cad oo rootiga, malawaxa iwm laga samaysto. 2. Taag ciid. 3. Cad yar (ciid, soor, sonkor iwm). 4. Hal geed oo caws ah oo bahalladda yaryar galaan. 5. Abur; xoor.
bur (2) Ul culus, toosan, madax buuran leh oo hub ahaan loo qaato; qool; garruun. ld bud¹.
bur (3) Biyo aad u karkarid.
bur (4) 1. Weyso gadmid. 2. Dheri dhooba ah kala jabid. 3. Xeer jiray baabbi'id. 4. Markhaati beenoobid.
buraambur (1) Ciyaar hees iyo reeme lagu tumo oo ay haweenku ciyaaraan. 2. Nooc maansada ka mid ah oo ay haweenku tiriyaan.
buraambur (2) 1. Buraambur tirin. 2. Buraambur ciyaarid.
buraamburid eeg buraambur².
buraash (1) 1. (-shiyo, m.dh) ld burush. Qalab qori ah oo sayn, riir iwm dhan ku leh oo wax lagu nadiifyo ama lagu riinjiyeeyo. 2. ld buraashid.
buraash (2) Wax buraash ku nadiifin ama ku riinjiyeyn.
buraashad Weel yar, macdan ah, ubbada u eg oo biyaha lagu qaato.
buraashan Wax buraash lagu nadiifiyey ahaansho.
buraashid eeg buraash². ld buraash¹ (2).
buraashnaan eeg buraashan. ld buraashnaansho.
buraashnaansho ld buraashnaan.
burabbahalaad (daaw.) Buro halis ah oo jirka ku faafto, dishana nafleyda ay ku dhacdo. ld burobahalaad.
buracaanood (daaw.) Buro aan faafin, halisna ahayn oo jirka nafleyda ka soo baxda.
burad ld buruud.
buraddee U b.: cid wax siyaada ah siin.
buraddeyn eeg buraddee. ld buraddeys.
buraddeys ld buraddeyn.
buraree ld buree.
burareyn ld bureyn.
burareys ld bureyn.
buray (1) ld buro¹.
buray (2) ld buro².
burbur (1) 1. Cadad yaryar oo wax is haystay u kala jajabo. 2. Caano la lulay oo aan weli subag dhalin. ld burur¹ (2).
<< < 168 169 170 171 172 173 174 175 176 177 178 > >>

 

Exit mobile version