Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: dabaylwac
digniin1  ld digid. digniin2  1. War cid dareensiinayo dhibaato ku soo foolle si uu uga gaashaanto. 2. Hadal, qoraal iwm oo cid gef sameysay la siiyo si aanu mar labaad ugu noqon. digniin kamadambeys ah  (siyaa.) Xagga qawaaniinta caalamiga, waa shuruudaha ugu dambeeya wada hadal, ku gacan seeriddiisuna ay keento joojin wada xaajoodka socday ama ku dhaqaaqid awood wax ku xallin.
digniinsho  ld digid.
digo1  1. Saalo. 2. Saalo burburtay oo badan. digo2  1. (f.g) Aroos cid ugu wacasho. 2. (f.mg) Ku d.: col jabay, qof laga adkaaday iwm hadal lafajebis ah ku dhihid. digoo  Digo dhigid (xoolo, ugaar iwm).
digood  eeg digoo.
digri1  (dii.)Qasaa'id diini ah oo ay qaadaan wadaaddada dariiqooyinka; xadro. ld digriyid. digri2  (dii.) Digri qaadid (wadaad dariiqo). digrii1  Darajo. digrii2  1. (fiis.) Halbeegga heerkulka oo la doorsooma kolba qiyaasta la adeegsanayo, sida santigireedh ama feeranhayt. 2. (juqr.) Halbeegga loolka ama dhigaha ee la adeegsado si loo muujiyo meel ka mid ah dhulka dushiisa. digriyid  eeg digri². ld digri¹, dikri¹, dikriyid.
digsi  Weel macdan ka samaysan, af ballaaran leh oo cunnada lagu karsado; sufriyo. ld disti.
digtoon  1. Qof diyaar u ah wax uu filayo ahaansho. 2. Qof si toosan u taagan oo labadiisa lugood si simman isu garab yaalliin ahaansho (millatari).
digtoonaan  eeg digtoon. ld dig- toonaansho.
digtoonaansho  eeg digtoonow. ld digtoonaan.
digtoonow  1. Qof diyaar u ah wax uu filayo noqosho. 2. (millatari) Qof si toosan u taagan oo labadiisa lugood si siman isu garab yaalliin noqosho.
dihasho  eeg diho. ld dahasho, dohasho.
dihin  1. Wax aan weli la lisin ahaansho (xoolo). 2. Wax aan weli sidii la rabay looga faa'iidaysan ahaansho (dhul). ld dahan.
dihnaan  eeg dihin. ld dahnaan, dahnaansho, dihnaansho.
dihnaansho  ld dihnaan.
diho  Ilmo dhashay kalgacal u muujin. ld daho, doho.
diib  Ur udgoon.
diibaaji  Lacag yar oo horumarin ahaan qof wax uu iibsaday ka dhiibo. ld deebaaji, dibaaji.
diibsad  ld diibsasho.
diibsasho  eeg diibso. ld diibsad, diibsi.
diibsi  ld diibsasho.
diibso  Diib marsasho (qof).
diid  Codsi, amar, siismo, iwm ku gacan sayrid.
page : 173 of 218
<< < 168 169 170 171 172 173 174 175 176 177 178 > >>

 

Exit mobile version