diisid eeg diis.
diisnaan eeg diisan. ld diisnaansho.
diisnaansho ld diisnaan.
diiwaan 1. Buug lagu aruuriyo maanso qof leeyahay. 2. Buug lagu qoro waxyaabo la rabo in la xasuusto.
diiwaanee Diiwaan gelin, ku qorid.
diiwaaneyn eeg diiwaanee.
diiwaangeli Wax diiwaan ku qorid.
diiwaangelin eeg diiwaangeli.
diiwaanhaye Qof wax diiwaaniya.
diiwaanhayn Meel wax lagu diiwaaniyo; arkiifiyo. ld diiwaaniye.
diiwaani Wax diiwaan gelin.
diiwaanin eeg diiwaani.
diiwaaniye ld diiwaanhaye.
dikaamid eeg dikaan². ld diikaan¹ (2).
dikaan1 1. Dhaqdhaqaaq yar oo isdabajoog ah sida kan dhiigga xididdada xulaaya ama meel malaxi ku jirto. 2. ld dikaamid. dikaan2 Dikaan dareemid (nafley). dikri1 ld digri¹. dikri2 ld digri². dikriyid ld digriyid.
diktatoor Keligi-taliye.
diktatooriya xukun qof kali ahi ku ammarkutaagleeyo. ld diktatooriyad.
diktatooriyad ld diktatooriya.
diktatoornimo diktatoor ahaansho.
dil1 1. Qurgoynta nafley qurta laga gooyo. 2. Garaacid nafley la garaaco. dil2 1. Nafley qurgoyn. 2. Nafley garaacid. dilaa 1. Qof ama bahal aad wax u laaya. 2. Cudur nafleyda safmar u dila. ld dile.
dilalyo Daal.
dilan1 1. Ilmo dhawr bilood ah oo uurka ku qoonmay. 2. Dhul mudda badan la daaqaayay oo xaalufay. 3. ld dilmid. dilan2 1. Iska dhimasho; iyadoo aan la dilin, iska geryoomid. 2. Ilmo dhawr bilood ah uur ku qoonmid. dilan3 1. Wax la qurgooyay ahaansho (nafley).
page : 179 of 218
<< < 174 175 176 177 178 179 180 181 182 183 184 > >>