Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: dabaylwac
diraacsad  ld diraacsasho.
diraacsasho  eeg diraacso. ld diraacasho, diraacsad.
diraacso  1. Meel xilliga diraacda ku sugnaan. 2. Tamardarro, cunto yaraan ku noolaansho (xoolo). ld diraaco.
diraal  1. Dad meel loo diray oo la faray iney qabtaan hawl gaar ah. 2. Muhimad gaar ah oo diraal loo xilsaaray.
diraaso  ld daraaso.
diraddiraale  Qof aad isku dira oo dhexdooda fidna ka abuura. ld diraddiroole.
diraddirayn  eeg diraddiree. ld diraddire, diraddiro.
diraddire  ld diraddirayn.
diraddiree  Dad wax isaga sheegid si ay u coloobaan.
diraddiro  ld diraddire.
diraddiroole  ld diraddiraale.
diran  1. Wax la diray ahaansho. 2. Qof waxgarad ah oo aan tilmaan u baahnayn. 3. Ku d.: wax aad u jecel oo in badan ka isticmaala ahaansho (qof).
dirayn  (nax.) Curiyayaal loo kala saaro kooxkoox hadba sida ay isugu dhowyihiin naxwe ahaan.
dire  Tirxi yar yar, saxarrada soo raaca, oo daba cun cun leh. ld diro.
direewal  ld dareewal.
direys  Labbis gaar ah oo ay qaataan ciidammada qalabka sida.
dirfac  ld dafac.
dirgasho  eeg dirgo.
dirgo  Socod jiitaan socosho (nafley).
diric1  1. Nin karti iyo ragannimo dheeraad ah leh. 2. Canbuur khafiif ah, si holofholof ah u tolan oo haweenku qaataan. diric2  1. Dhismo dheer oo dusha ka dedan dhinacyadana ka furan oo dusheeda timirta lagu waro si ay suubaan u noqoto. 2. Dhismo dheer oo dusha ka dedan dhinacyadana ka furan, oo marka aroos loo damaashaadayo, wiilka iyo gabadha arooska ah dusha laga saaro dadkuna hoos uga cayaaro. diricnimo  Nin karti iyo ragannimo dheeraad ah leh ahaansho.
dirid  eeg dir². ld diris.
diriq  Liilammo ama daliigo ad'adag oo xaskusha tuman iyo cawda feeran iwm laga reebo ama laga soo dhex saaro.
diriqsad  ld diriqsasho.
diriqsasho  eeg diriqso. ld diriqsad, diriqsi.
diriqsi  ld diriqsasho.
diriqso  Wax xoog ku meel marsasho. Tus. “Cali hawshaas markii hore looma dirin ee isagaa diriqsaday”.
dirir  1. Xiddig ifweyn oo naafaha ugu dambeeya oo u dhexeeya dirirday iyo garbo. 2. ld dirirsagaaro. D. cawleed: gu'ga bartamihiisa.
dirir1  Dagaal; colaad.
page : 184 of 218
<< < 179 180 181 182 183 184 185 186 187 188 189 > >>

 

Exit mobile version