diric
(m.l) (-cyo, m.dh)

1. Nin karti iyo ragannimo dheeraad ah leh. 2. Canbuur khafiif ah, si holofholof ah u tolan oo haweenku qaataan.

diric
(m.l)

1. Dhismo dheer oo dusha ka dedan dhinacyadana ka furan oo dusheeda timirta lagu waro si ay suubaan u noqoto. 2. Dhismo dheer oo dusha ka dedan dhinacyadana ka furan, oo marka aroos loo damaashaadayo, wiilka iyo gabadha arooska ah dusha laga saaro dadkuna hoos uga cayaaro.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh diric

Folaad []
eeg diric. diric

diricnimo [m.dh]
Nin karti iyo ragannimo dheeraad ah leh ahaansho.

fariid [m.l]
1. Nin karti iyo caqli badan; diric. 2. (fk) Waa tahay, waa hagaag.

hanad [m.l] (-ddo/-dyo, m.dh)
Nin karti iyo hufnaan dheeraad ah isku darsaday; diric.

hanaqaad [m.l]
1. H. ah: qof filka mas'uu-liyad lagu hanan karo gaaray; tabargal. 2. Diric, geesi. 3. ld hanaqaadid.

hoodaar [m.l]
1. H. ah: qof karti badan; diric; rag. 2. H. ah: qof nasiib badan. 3. (e.d) H.!: waa tahay!. ld hooddaar.

weysaalo [m.l.w]
W. ah: waxyaalo diricnimo muujiya oo qof sameeyo, wacdaro.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg