Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: fidmawade
dood1  Hadal lagu falanqaynaayo arrin lagu muransanyahay oo la rabo in laga gungaaro. dood2  1. (xis.) Marka laga hadlayo loojig, waa susun hawraaro ama weedho ah oo ka bilaabanta urur qaadashooyin ah kuna dhammaata go'aan. 2. (xis.) Urur hawraaro ama weedho ah oo loo yaqaan afeef iyo hawraar lagu soo gooyay oo loo yaqaan go'aan. dood3  Arrin lagu muransanyahay oo la rabo in lagu gun gaaro ra'yi ka jeedin. dood-cilmiyeed  Shir ay isugu yimaadaan aqoonyahanno oo lagu soo bandhigo afkaar cusub.
doodaa  Nin hadal yaqaan ah; aftahan; doode. ld doode.
dooddi1  1. Orod xoog leh. 2. ld dooddiyid. dooddi2  Si xoog leh u ordid; digdigleyn. dooddiyid  eeg dooddi². ld doodi¹ (2).
doode  ld doodaa.
doodid  eeg dood³. ld doodis.
doodis  ld doodid.
doofaar  Naasley caws-kunool ah idaha la eg ka ballaaran,leh madax weyn, gano iyo dhogor yar oo hilibkiisu muslimiinta xaaraan ka yahay. ld doonfaar.
doofaarad  Haweenay aad u akhlaaq xun. ld doonfaarad.
doofaarnimo  1. Doofaar ahaansho. 2. Qof aad u dabci xun ahaansho. ld doonfaarnimo.
doofil  D. ah: timo isdhax yaacsan oo aan muddo la shanlayn.
doog1  1. Caleenta iyo cawska cusub ee uu roobka soo saaro; naq; tigaad. 2. Xilli roob da'ay, dhulku cagaaranyahay dadka iyo xooluhuna baraare ku jiraan. ld doogaad. doog2  1. Soo laba kacleynta uu soo laba kacleeyo nabar hore u biskooday. 2. D. ah: biyo cirka ka yimid oo weel loo hoorsaday. 3. ld daab². doog3  1. Nabar hore u biskooday mar labaad soo kicid. 2. Roob da'aya weel u hoorsasho (qof). doogaad  ld doog¹.
doogad  ld doogasho.
doogasho  eeg doogo. ld doogad.
doogayn  eeg doogee.
doogdhabasho  eeg doogdhabo.
doogdhabo  Meel doog leh aadid.
doogdhaw  Guuridda loo guuro meel doog leh; doograac.
doogee  Nafley nabar doog reeba ku dhufasho.
doogid  eeg doog³.
doogo  Meel roob badan ku di'id.
doogoobid  eeg doogow.
doogow  Wax doog ka soo baxay noqosho (meel).
page : 189 of 218
<< < 184 185 186 187 188 189 190 191 192 193 194 > >>

 

Exit mobile version