Dood

Qaabnaxa: Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate Isrogrogga:

D. ah: nooc kabaha ka mid ah oo saanta geriga laga sameeyo.

Dood

Qaabnaxa: Magac Dheddig ah | Feminine Noun Isrogrogga: (-do, m.l)

Hadal lagu falanqaynaayo arrin lagu muransanyahay oo la rabo in laga gungaaro.

Dood

Qaabnaxa: Magac Dheddig ah | Feminine Noun Isrogrogga: (-do, m.l)

1. (xis.) Marka laga hadlayo loojig, waa susun hawraaro ama weedho ah oo ka bilaabanta urur qaadashooyin ah kuna dhammaata go'aan. 2. (xis.) Urur hawraaro ama weedho ah oo loo yaqaan afeef iyo hawraar lagu soo gooyay oo loo yaqaan go'aan.

Dood

Qaabnaxa: Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1 Isrogrogga: (-day, -dday)

Arrin lagu muransanyahay oo la rabo in lagu gun gaaro ra'yi ka jeedin.

Laamadood*

Lulmo hurda yar oo aan badnayn inyar seexasho


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

lama-iyaaka-dhexdood-nacbudu-aa-ku-jirtaa*

Wax walba wax ayaa ku duugan.


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Macne Dheeraad ah

Ereygan waa uu ku jiraa qaamuuska, qoraalkiisa ayaa qaldan. \"laammadood\" ayuu u qormaa uguna jiraa qaamnuuska mahadsanid. 

Macne Dheeraad ah

Waa "laamaddood" ee raali ahaada. 

Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga dood

xaajeyso | laal | laamaddood | ujeeddo | wadahadal | xaajoo | xaajootan | afeef | afjuxuunso | ajeendo |
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg