Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: aftir
naxdin Dareen cabsi ku jirto oo qof ku dhacda marka uu la kulmo waxyeello aanu filanayn.
naxli 1. Xumaan xaasidnimo ku jirto. 2. ld laxni. 3. Dheecaanka ka soo baxa nabar buka.
naxsan Wax naxay ahaansho.
naxsanaan eeg naxsan. ld naxsanaansho.
naxsanaansho ld naxsanaan.
naxsasho eeg naxso. ld naxsi¹.
naxsi (1) ld naxsasho.
naxsi (2) ld naxas.
naxso Ka n.: cid naxdin ku abuurid.
naxuus (1) ld nuxuus¹.
naxuus (2) ld nuxuus².
naxuusi ld nuxuusi.
naxuusid ld nuxuusid.
naxuusin ld nuxuusin.
naxwe 1. Laan cilmi afeedka ka mid ah oo lagu barto weereynta, dhismaha ereyada iyo codeynta. 2. Hadal si wanaagsan u dhisan oo murti iyo macno leh. 3. Buug xeerarka naxwaha ka hadlaya.
nayaayiraysan Wax nayaayiro hayso ahaansho. ld nayaayirsan.
nayaayiraysnaan eeg nayaayiraysan. ld nayaayirsanaan, nayaayirsanaansho, nayaayiraysnaan.
nayaayiraysnaansho ld nayaayiraysnaan.
nayaayiro 1. Dareen farxad leh oo qofka ku dhaliya furfurnaan dheeraad ah. 2. Rajo.
nayaayiroo Nayaayiro dareemid.
nayaayirood eeg nayaayiroo.
nayaayirsan ld nayaayiraysan.
nayaayirsanaan ld nayaayiraysnaan.
nayaayirsanaansho ld nayaayiraysnaan.
nayaayiso Rajo.
nayl (1) Maqasha idaha keeda lab.
nayl (2) Maqasha idaha keeda dheddig.
naylakobcis Geed yar oo meelaha sallaxyada ah ka baxa oo leh laamo yaryar oo jiljilicsan oo si gaar ah isugu dhafma ilaa uu yeesho qaab dhulmaneed oo iduhu aad u jecelyihiin.
naylaqaad 1. Shimbir ay gallayrka isku bah yihiin kana yara weyn oo waxaraha yar-yar cuna; baqalyo. 2. N. ah: dayax afar iyo tobnaad ah oo aad u iftiin badan.
naylduur Nooc shimbiraha ka mid ah oo dhoor leh.
<< < 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 > >>

 

Exit mobile version