caddiban (2) Wax la caddibay ahaansho.
caddibid eeg caddib². ld caddib¹ (2), caddibaad.
caddibmid eeg caddiban¹.
caddibnaan eeg caddiban². ld caddibnaansho.
caddibnaansho ld caddibnaan.
caddidiif Harag yar oo ka dillaaca ciddida labadeeda dhinac. ld ciddidiif.
caddiin ld caddaan¹.
caddiin (1) Hilibka intiisa cad; baruur.
caddiir ld catiir (2).
caddil (1) ld caddilid.
caddil (2) Wax caddilan ka dhigid.
caddil (3) 1. Fal dhici lahaa ka daahid iyadoo cid loo eersanayo. 2. Isu c.: wax isu dheelli tirid.
caddilaad ld caddilid.
caddilaad (1) ld caddilid.
caddilan (1) Wax la caddilay noqosho.
caddilan (2) Wax la caddilay ahaansho.
caddilid eeg caddil². ld caddil¹, caddilaad.
caddilmid eeg caddilan¹.
caddilnaan eeg caddilan². ld caddilnaansho.
caddilnaansho ld caddilnaan.
caddilnimo Caddaalad, gar, garsoor, garsoornimo.
caddo 1. Dayaxa labadiisa toddobaad ee hore. 2. Habayn dayax leh.
caddood C. ah: meseggo cad.
caddow (1) ld caddaad (1).
caddow (2) Wax cad noqosho.
cadduun Dhul ciiddiisu jilicsantahay, aan boor lahayn oo geedgaab ka baxa.
cadduuro 1. Geedgaab leh caleen iyo miro yaryar oo ka baxa meelaha biyo mareenka ahi. 2. Midab cagaar khaafiif ah leh.
cadee Neef la qalayo hilibkiisa xubin xubin u goyn.
cadeyn eeg cadee..
cadgo' (1) Dhibaato hakisa dhaqdhaqaaqa; muruqgo'..
<< < 194 195 196 197 198 199 200 201 202 203 204 > >>