Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: teershari
cadgo' (2) Muruqyada, dhibaato xanuun leh oo hakisa dhadhaqaaqa ku dhicid; muruqgo'..
cadgo'id eeg cadgo'².
cadgoo U c.: qof cayroobay kaalmayn; qof wax aan filanayn siin; qof tartan ku jira garab siin.
cadgoosasho eeg cadgooso.
cadgooso Ka c.: cid godob ka gashay ka aarsasho.
cadgoyn eeg cadgoo.
cadh Dhibco-dhibcaha ka soo horreeya daruur markaas di'id bilaabaysa.
cadhayn eeg cadhee.
cadhee 1. Cadho ku daarasho. 2. Dhaliicayn.
cadho (1) Cudur nabarro iyo cuncun badan oo lays qaadsiyo.
cadho (2) (daaw.) Caallir maqaarka oo uu keeno “sarcoptes scabiei”. Cadhadu waxay caan ku tahay cuncun badan weliba habeenkii, finan cascas, iyo aalaba caallir kale oo ka dul taga dhiigga. Deriskunoolka waxay dhex jeexdaa maqaarka ukumaheedana ku daadisaa, yaryarka ukunta ka soo baxana si sahlan ayey qofka kale u raaci karaan.
cadhoobid eeg cadhow.
cadhow Wax cadho ku dhacday noqosho.
cadow ld cadaawad.
cadownimo Cadow ahaansho.
cadowti ld cadowtinnimo.
cadowtinnimo Dareenka colaad iyo xumaan ee laba qof ama ka badan isu hayaan. ld cadowti, cadowtooyo.
cadowtooyo ld cadowtinnimo.
cadrad Bikrad.
caduur ld caduuro.
caduuro Geed leh caleemo yaryar, miro kuuskuusan, macaan iyo laamo dhuudhuuban. ld caduur.
cadwoob (baay.) Jidh huruud ah oo ku dhex samaysma moqorka Goonka garaaf ee ilma galeenka naasleyda marka ay ukunta sii daayaan kaddib. Waxay dhiiqdaa hormoonka borojestaroon.
cafaariid eeg cirfiid.
cafash Alaab badan, duug ah, noocya badan isugu jirta oo aan qiimo lahayn. ld xafash.
cafi (1) ld cafis.
cafi (2) Dembi ama qaan cid gashay u dhaafid.
cafiif C. ah: suubban; san; aamin ah; lillaahi ah; toosan.
cafiifnimo Cafiif ahaansho.
cafin ld cafiyid.
cafis U dhaafidda dembi ama qaan cid gashay. ld cafi¹.
<< < 195 196 197 198 199 200 201 202 203 204 205 > >>

 

Exit mobile version