Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: jaabajaabeysad
eed (1) 1. Denbi cid uusan ku caddayn lagu soo oogey. 2. Gef; denbi.
eed (2) Fal, arrin iwm samayntooda natiijo xun kala kulmid.
eedaad (1) 1. Rafaad; silic; saxariir. 2. Xanuun daran.
eedaad (2) 1. Rafaad badan la kulmid. 2. Xanuun daran la kulmid.
eedaadid eeg eedaad².
eedaamid ld aadaamid.
eedaan (1) ld aadaamid.
eedaan (2) ld aadaan².
eedaq Caano garoor ah.
eedayn eeg eedee. ld eedays.
eedays ld eedayn.
eedaysan Wax dembi loo haysto ahaansho; eed saarid.
eedaysane Qof dembi loo haysta laakiin weli aan caddeyn; tuhun dembi.
eedaysasho eeg eedayso. ld eedaysi.
eedaysi ld eedaysasho
eedaysnaan eeg eedaysan. ld eedaysnaansho.
eedaysnaansho ld eedaysnaan.
eedayso Eed isu jeedin.
eedbax (1) E. ah: wax uu isku daafaco qof eed lo haysto.
eedbax (2) Cid eed loo haystay iska daaficid.
eedbixid eeg eedbax².
eeddo 1. Haweeneyda aabaha la dhalatay. 2. Haweeneyda aabuhu qabo oo aan hooyada ahayn; aayo. 3. U.j: eeddoy! 4. U.j: wiilka aan eeddada u ahayow!; gabadha aan eeddada u ahayey!
eedee Cid eed u jeedin.
eedid eeg eed². ld eedis.
eedis ld eedid.
eedoobid eeg eedow.
eedow Eed gelid.
eedqaad 1. E. ah: xumaan la falay eeddeeda qaadid. 2. ld eedqaadid.
eedqaadid Xumaan la falay eeddeeda qaadid. ld eedqaad (2), eedqaadis.
eedqaadis ld eedqaadid.
<< < 1 2 3 4 5 6 7 8 > >>

 

Exit mobile version