Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: karkoor
haaneedid eeg haaneed². ld haaneedis.
haaneedin eeg haaneedi.
haaneedis Haaneedka iska taagid oo lisid (geel). ld haaneedid.
haaneedsad ld haaneedsasho.
haaneedsasho eeg haaneedso. ld haaneedsad.
haaneedso 1. Hal godlan si loo maalo isbahardaadin. 2. Hal haaneedka ka maalid iyada oo dhiilka jilibka lagu hayo ama la saarayo.
haanse Qaab qurxoon oo wax loo yeelo.
haansee Wax qurxin.
haanseyn eeg haansee.
haanseysan Wax la haanseeyay ahaansho
haanseysnaan eeg haanseysan. ld haanseysnaansho.
haanseysnaansho ld haanseysnaan.
haantaawilfid eeg haantaawilif².
haantaawilif (1) Dhibaato kala lumisa dad wada nool iyo xoolahooda.
haantaawilif (2) Cido, ama dad iyo duunyo dhibaato darteed kala lumid.
haanyoo U h.: qof, qof kale kalgacal awgiis u soo ordid.
haanyood eeg haanyoo.
haar 1. Raadka nabar ama dhaawac bogsooday ku reebo oogada. 2. Meel bannaan oo aan dhir lahayn. 3. Taag, buur gaaban.
haar (1) Qaylo, taah, dhaqdhaqaaq iwm oo uu sameeyo qof xanuun badani hayo.
haar (2) Xanuun awgiis la taahid (qof).
haaraamid eeg haaraan². ld haa-raan¹.
haaraan (1) 1. Eedeynta cid wax ayna qabin oo ay ka gubanayso lagu eedeeyo. 2. Ceebayn cid loo jeediyo. ld haaraamid.
haaraan (2) 1. Ku h.: eed aan sal lahayn cid u jeedin. 2. Cid ceebeyn.
haarayn eeg haaree.
haaree Qof haar u yeelid.
haarguduud Meel leh xammuuradda maryaha la gasho.
haarid eeg haar².
haaruf Nabarrada ay cadhada iwm ay oogada ku reebaan.
haasaase Wax la filayo in ay ka dhashaan hawl soconeysa.
haasaawayn eeg haasaawee. ld haasaawin.
<< < 1 2 3 4 5 6 7 8 > >>

 

Exit mobile version