cagataallee Hawl laysu diray oo qabashadeeda la diiddanyahay ka warwareegid.
cagayn eeg cagee.
cagcagaar Qudaar; khudrad.
cagee Cid cag la dhicid.
cageysad ld cageysasho.
cageysasho eeg cageyso. ld cageysad, cageysi.
cageysi ld cageysasho.
cageyso Neef irmaan sacab ku maalid.
cagi 1. Wakhtiga markaa la joogo; haddeer; imminka. 2. Meel.
Cagidiiba Markiiba.
cagsalaax Cudur geela cagaha ka gala oo aysan tuluddu ku joojin karin cagafta jirran, in ay dhulka ku xoqayso mooyee.
cagsi Ka soo hor jeedo; lid. ld caksi.
cahdi Ballan adag oo lagu heshiiyo. ld axdi..
cajaa'ib Wax aad loola yaabo.
cajab (1) Yaab.
cajab (2) La c.: wax la yaabid.
cajabi C./ka c.: qof yaab ku abuurid.
cajabid eeg cajab².
cajabin eeg cajabi.
cajalad Qalab ka kooban laba qalbac oo caag ah, dhexdana ku leh mullaax dheer oo codka lagu duubo.
cajar Bowdo.
cajiib 1. C. ah: wax qaabkii dabiiciga ahaa ee lagu yaqiin ka duwan. 2. (e.d) Waa yaab.
cajiimid eeg cajiin².
cajiin (1) 1. Budo meseggo ama galley oo biyo lagu rafaaqay. 2. Budo meseggo ama galley iyo bur laysku qasay oo canjeelo laga sameeyo.
cajiin (2) 1. Biyo ku rafaaqid budo meseggo ama galley. 2. Budo meseggo ama galley iyo bur isku qasid si canjeelo looga sameeyo.
cajil Derin duug ah.
cajis (1) ld caajis¹.
cajis (2) ld caajis².
cajisad ld caajisad.
cajisan ld caajisan.
<< < 198 199 200 201 202 203 204 205 206 207 208 > >>