dunida saddexaad Waaddamada Aasiya, Afrika, iyo Laatiin Ameerika ayaa laysku yiraahdaa waddamada d. s., waa waddamo aalaaba sabool ah.
dunji Halka wax ka soo farcamaan.
dunmid eeg duman¹.
dunnayn eeg dunnee.
dunnee Gacan duuban cid si xoog ah ugu dhufasho.
dunno Ku dhufashada cid si xoog ah loogu dhufto gacan duuban.
dunqaare 1. Dalool yar oo weel caanoodka loo yeelo. 2. ld dunqaaro (1).
dunqaaree Weel-caanood dalool yar u yeelid.
dunqaareyn eeg dunqaaree.
dunqaaro 1. ld dunqaare. Caws dhaadheer oo dooxooyinka ka baxa. 2. Waxa Eebbe abuuray ee aan dadka ahayn.
dunsan Wax la dumiyey ahaansho.
dunsanaan eeg dunsan. ld dunsanaansho.
dunsanaansho ld dunsanaan.
Dunugle eeg qaxooti; dalow.
dunuunuc1 ld gunuunuc¹. dunuunuc2 ld gunuunuc². dunuunucid ld gunuunucid.
dunyir Doonidda gabar yar oo sebi ah iyadoo galaamad lagu riwamayo.
duq1 1. (-qow, m.dh) Qof da'weyn. 2. (-qey/qeyti, m.dh) Qof bulsho madax u ah. 3. D. ah: wax gaboobay. duq2 Biciid dheddig oo curad ah. duq3 1. Haweenay da'weyn. 2. Foorad, dhibic (cayaar). duqee 1. (f.g) Hub culus meel ku garaacid. 2. (f.g) Wax burburin. 3. (f.mg) Kharabid (matoor). 4. (f.mg) Ka d.: arrin oday ka noqosho.
duqey eeg duq 1 (2).
duqeyn eeg duqee.
duqeyti eeg duq 1 (2).
duqlaal 1. Cid dulmiyid. 2. Wax juqa-juqayn.
duqlaalid eeg duqlaal.
duqnimo Duq ahaansho.
duqoobid eeg duqow³. ld duqow¹.
duqow1 ld duqoobid.
page : 208 of 218
<< < 203 204 205 206 207 208 209 210 211 212 213 > >>