Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: dabree
cajiib 1. C. ah: wax qaabkii dabiiciga ahaa ee lagu yaqiin ka duwan. 2. (e.d) Waa yaab.
cajiimid eeg cajiin².
cajiin (1) 1. Budo meseggo ama galley oo biyo lagu rafaaqay. 2. Budo meseggo ama galley iyo bur laysku qasay oo canjeelo laga sameeyo.
cajiin (2) 1. Biyo ku rafaaqid budo meseggo ama galley. 2. Budo meseggo ama galley iyo bur isku qasid si canjeelo looga sameeyo.
cajil Derin duug ah.
cajis (1) ld caajis¹.
cajis (2) ld caajis².
cajisad ld caajisad.
cajisan ld caajisan.
cajisi ld caajisi.
cajisid ld caajisid.
cajisin ld caajisin.
cajisnaan ld caajisnaan.
cajisnaansho ld caajisnaan.
cajisnimo ld caajisnimo.
cajuus Nin aad u gaboobay oo leh dhaqan la dhibsado.
cajuusad Naag aad u gabowday oo leh dhaqan la dhibsado. ld cajuuso.
cajuuso ld cajuusad.
cajuusoobid eeg cajuusow.
cajuusow Cajuus noqosho.
cakaw Carjawda ku taal dhegta gudaheeda ee uu codku ku dhaco.
cakis (1) ld cakisid.
cakis (2) 1. Wax ama qof joojin. 2. Wax rafaaqid; cajiimid. 3. Qof dilid.
cakisan (1) Wax la cakisa noqosho.
cakisan (2) Wax la cakisay ahaansho (bur, timir, dhoob, iwm).
cakisid eeg cakis². ld cakis¹.
cakisnaan eeg cakisan². ld cakisnaansho.
cakisnaansho ld cakisnaan.
caksi ld cagsi.
caku Erey la yiraahdo kolka wax la kahdo.
<< < 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 > >>

 

Exit mobile version