Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qaldhow
cal (1) Baadiye jiq ah.
cal (2) 1. Buur aad u dheer. 2. Buur taxane ah.
calaa-xaal Tacbaan ahaansho (dhaqaale iwm). Tus. “Waa tacbaan c.”.
calaacal (1) 1. ld calaancal 1. Hadal beerlaxawsi leh oo lagu muujinayo dhibaato dhacday oo taakulayn u baahan. 2. ld calaacalid.
calaacal (2) Gacanta dadka inteeda hoose ee cad; baabbaco; sacab.
calaacal (3) Ka c.: cid dhibaato ku dhacday, erayo beerlaxawsi leh cid kale u jeedin. ld calaancal².
calaacalid eeg calaacal³. ld calaacal¹, calaancal¹, calaancalid.
calaal (1) ld callaal¹.
calaal (2) ld callaal².
calaalad ld callaalasho.
calaalasho ld callaalasho.
calaalid ld callaalid.
calaalo ld callaalo.
calaaloobid eeg calaalow.
calaalow Calal ama wax duugoobay noqosho.
calaamad ld calaamo.
calaamadayn ld calaamadin.
calaamadaysad ld calaamadsasho.
calaamadaysan Wax la calaamadeeyey ahaansho. ld calaamadsan, calaamaysan.
calaamadaysasho ld calaamadsasho.
calaamadaysi ld calaamadsasho.
calaamadaysnaan eeg calaamadaysan. ld calaamadsanaan, calaamadsanaansho, calaamaysnaan.
calaamadaysnaansho ld calaamadaysnaan.
calaamadayso ld calaamadso.
calaamadee ld calaamadi.
calaamadi Wax calaamo u yeelid. ld calamadee, calaamee.
calaamadin eeg calaamadi. ld calaamadayn, calaamayn.
calaamadsad ld calaamadsasho.
calaamadsan ld calaamadaysan.
calaamadsanaan ld calaamadaysnaan.
<< < 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 > >>

 

Exit mobile version