Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: calman
laxan Iswaafajinta ereyada iyo muusigga (hees).
laxaw Kaar iyo xanuun, meel gaar ah oo jirka nafleyda ka mid ah dareemo.
laxle (c.nafl.) Xasharaad yaryar oo leh baalal iyo midab madow xigeyn ah, dhexdana u dhuuban oo qaniinyo kulul leh; xoon.
laxmar 1. Galgaal, cadaad (xiddigo). 2. Dheddig (xayawaan ama dad) oo dhalmo darro darteed la cayilay.
laxni Wax si qalad ah loo qoro ama loogu dhawaaqo.
laxo Urur xiddigo ah oo tiradoodu lix ka kooban tahay. ld lixo.
laxoox Kimis ballaaran, xalleefsan oo bur ama budo la dubay ka samaysan; canjeero.
lay 1. Wax baabi'in. 2. Wax dhammayn. ld laa.
layaab Dareen aan caadi ahayn oo ka dhasha dhacdo lamafilaan ah. ld yaab.
layac (1) ld laayac¹.
layac (2) ld laayac².
layacan (1) ld laayacan¹.
layacan (2) ld laayacan².
layacmid eeg layacan¹. ld laayacmid.
layacnaan ld laayacnaan.
layacnaansho ld laayacnaan.
laydi 1. Afargees xaglo quman oo labada dhinac ee iska soo horjeeda ay isla egyihiin. 2. Nooc gogosha ka mid ah.
layeele (nax.) Magaca tilmaama qofka ama shayga uu ku dhaco falka yeeluhu sameeyo. Tus. “Saynab waraaq ayay qortay”.
layicid ld laayicid.
layiig Hoore markuu shubmayo jiidma ee aan googo'in.
layiignimo Layiig ahaansho.
layli (1) 1. Rati aan weli rar baran. 2. Tababbaridda qof loo tababbaro hawl gaar ah.
layli (2) 1. Awr rar barid. 2. Cid tababbar siin.
laylin ld layliyid.
laylis ld laylyid.
laylisan ld laylyan.
laylisanaan ld laylyanaan.
laylisanaansho ld laylyanaan.
layliyid eeg layli. ld laylin, laylis, laylyid.
laylo Ciyaar carruurtu ku dheesha dhagxaan quruurux ah, saalo geel iwm oo ku jirta laba iyo toban god oo laba labo isaga soo horjeeda; godadow.
<< < 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 > >>

 

Exit mobile version