Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qamandhacoo
carmee ld carmi.
carmi 1. Weel carmo marin. 2. Hilib dab ku yacyacoodin. ld carmee.
carmin eeg carmi. ld carmayn.
carmo Geed laamo dhuudhuuban iyo caleemo balballaaran leh oo dhala miro kuwa canabka u eg.
caro (1) Dareen qofka ku dhasha oo shucuurtiisa kiciya marka xumaan ama qadaf lagu sameeyo.
caro (2) Caro gelid; xanaaqid; camashood.
caroceli Haweenay dudday gurigeedii ku celin iyadoo la raali geliyay.
carocelin eeg caroceli.
caroo U c.: caro dareemid.
caroobid eeg carow.
carood eeg caroo.
caroofi C. ah: neef geel ah, lixaad weyn, sanqaroor rogan leh.
caroog 1. Buun. 2. (muus.) Qalabka muusikada nooc ka mid ah oo leh af ballaaran, cod dheerna bixiya.
carooti Cir, daruuro biyo ka buuxaan yeelasho.
carow Caano, wax car yeeshay noqosho.
carqalad Qas iyo lab lagu sameeyo hawl si wanaagsan u socota. ld carqalo.
carqaladee Hawl carqalad gelin.
carqaladeyn eeg carqaladee.
carqalo ld carqalad.
carraabi 1. Wax galab meel u kaxayn. 2. Marti is dhaafin.
carraabid 1. eeg carrow. 2. eeg carraaw.
carraabin eeg carraabi. ld carraabis.
carraabis ld caraabin.
carraabo Socod goor galab ah meel laga tago iyadoo meel kale la higsanayo. ld carrowtiin.
carraaw Galab meel u socosho. ld carrow (2).
carrab 1. Xubin jilicsan oo ku jirta afka nafleyda oo qaabbilsan dhadhanka, calaliska, liqida iyo kala soocidda hadalka. 2. C. ku dhufasho: carrabbaabid. 3. C. macaan: hadal macaan.
carrabbaab (1) Gefka carrabka; halmaan. ld carrabbow¹.
carrabbaab (2) 1. (f.g) Wax xusid ama sheegid. 2. (f.mg) Si qalad in yar oo tibix ah ka sheegid.
carrabbaabid eeg carrabbaab².
carrabbow (1) ld carrabbaab¹.
<< < 221 222 223 224 225 226 227 228 229 230 231 > >>

 

Exit mobile version