farabbaxsi ld farabbaxsasho.
farabbaxso 1. Cararid. 2. Ka f.: wax la hayey gacan ka fakasho. 3. U f.: qof inuu la dagaallamo qof kale u fakasho.
farabbixid eeg farabbax².
farac1 1. Durriyad. 2. Laan hay'adeed, bangi, xisbi iwm oo meel ka furan. farac2 (nax.) Habdhac uu erey uga soo farcamo mid kale. Tus. “fur + e -> fure”. farac-hunguri (daaw.) Mid ka mid ah dhuumaha hawada ee sambabka. Hunguri cadku wuxuu u qaybsamaa laba f. h. oo waaweyn, iyada oo sambab waliba mid leeyahay kuwaas oo u sii kala qaybsama f. h.yaal yaryar, kaddibna noqda farac hunguri yarayaal.
farad (bot.) Timir laf yar oo aad u macaan oo leh midab guduud madow xigeen ah.
faraddaanyo ld faratoonyo. Faraha lugaha oo iin gaartey awgeed korka iska fuula.
faradduub Khasab.
faradduug Wax yar oo abaalmarin ahaan loo siiyo hawl la qabtay.
faradh (fiis.) Summad F. Halbeegga Caalamiga (H.C.) ee madhxinta, waxana loo qeexaa madhxinta madhxiye kasbaday saldanab 1 kuulam, marka keyd taraqiisa la gaarsiiyey 1 foolt. F. waa halbeeg ka weyn istiicmaalka caadiga ah, waxana la qaataa jajabkiisa oo ay ka mid yihiin biiko-f. (PF) iyo maykaro f. (μF).
faradhaq1 ld faraxal¹. faradhaq2 ld faraxal². faradhaqad ld faraxalasho.
faradhaqan ld faraxalan.
faradhaqasho ld faraxalasho.
faradhaqid ld faraxalid.
faradhaqnaan ld faraxalnaan.
faradhaqnaansho ld faraxalnaan.
faradhaqo ld faraxalo.
faradheere Geed xididkiisa xoolaha loo qodo oo ay ku dhacarsadaan.
farafarayn eeg farafaree. ld farafarays.
farafarays ld farafarayn.
farafaree Wax fara ku taataabasho.
farafootamid eeg farafootan².
farafootan1 Nooc legdinta ka mid ah. farafootan2 Qof, qof kale la legdamid. faraggal 1. (daaw.) Cudur faraha gala oo u yeela dhaawacyo aad u xanuun badan. 2. ld farammar. ld fargal (2).
faraggeli Wax si toos ah wax uga qabasho.
faraggelin eeg faraggeli. ld faraggelis.
page : 24 of 73
<< < 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 > >>