farac
(m.l) (-cyo, m.dh)1. Durriyad. 2. Laan hay'adeed, bangi, xisbi iwm oo meel ka furan.
farac
(m.l) (-cyo, m.dh)(nax.) Habdhac uu erey uga soo farcamo mid kale. Tus. “fur + e -> fure”.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh farac ↴
laagfaaf [m.l] (-fyo, m.dh)
(juqr.) Farac ka baxa oo ka taga webiga intiisa mudan oo aan mar dambe ku soo noqon oo biyaha uu sido ku dara badda ama haro. Waxaa lagu isticmaalaa keliyada badan ee webiga afkiisa ee loo yaqaan delta ama marawaxad suubaaneed.
laagwebi [m.dh] (-go ..., m.l)
(juqr.) Laan ama farac ku darmaya mid kale oo ka weyn oo webi.
laan [m.dh] (-aamo/-aano, m.l)
1. Faraca ka soo baxa jirridda geedka. 2. Qayb ka soo farcanta waax hay'adeed. 3. Qori af buuran oo badarka la karinayo lagu waalaqo.
unug-dareen-wade [m.l] (-dayaal, m.l/dh)
(c.nafl.) Unug dheeraaday oo faracyo leh, kaasi oo ah halbeegga aasaaska u ah urur shaqaale habdhiska dareenwadka, gaarna u ah gudbinta gujooyinka.
abtiri [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
U a.: qof faraciisu siday isu dhaleen sheegid.
alfiyoole [m.l] (-layaalyo, m.l/dh)
(c.nafl.) Kiish yar oo ka samaysan xuub khafiif ah, oo ay ku daboolanyihiin tintaafyo wada shaqaynaya oo ku yaalla dhammaadka faracyaraha hunguriga oo neefsashada sambabadu ka dhacdo dushiisa. Sambabku waxa uu leeyahay alfiyoole fara badan. Alfiyoolayaasha ku jira sambabka aadanaha waxa bedkiisa lagu qiyaasay inuu yahay 100 mm.
alifaatig [m.l] (-gyo, m.dh)
(kiim.) Iskudhis orgaanig ah oo ah alkeyn, alkiin, ama alkayn iyo faracooda. Iskudhisyada alifaaligga ah badidoodu waxay leeyihiin dhis silsilad furan, hasayeeshe qaarkood, sida saykalohigseyn iyo sukurows, waxay leeyihiin giraamo.
farac-hunguri [m.l]
(daaw.) Mid ka mid ah dhuumaha hawada ee sambabka. Hunguri cadku wuxuu u qaybsamaa laba f. h. oo waaweyn, iyada oo sambab waliba mid leeyahay kuwaas oo u sii kala qaybsama f. h.yaal yaryar, kaddibna noqda farac hunguri yarayaal.