Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qar-iskaxoor
salladid  eeg sallad³. ld sallidid.
salladnaan  eeg salladan. ld salad-naansho.
salladnaansho  ld salladnaan.
sallax1  Dhagax fidsan oo siib ah. sallax2  Wax sidii la rabay u diyaarin si hawl loogu qabsado. sallax-barafeed  (juqr.) Cuf ballaaran oo baraf ah oo daboola dhulal ballaaran ee ku dhaca cirifyada; sallaxa barafka dushiisu sida badan waa simanyahay. Baraf gogollada Giriinland iyo Antaartika waa kuwa keliya o waaweyn oo imminka jira.
sallaxaad  1. (-dyo, m.l) Diyaarinta wax sidii la rabay loo diyaariyo si hawl loogu qabsado. 2. ld sallixid.
salleelli  1. Qof nacas ah oo aad u garasho yar naacoo. 2. S. ah: wan ama orgi la xiniinyo baxshay ama la tumay.
salleellinimo  Salleelli ahaansho (qof). ld saleelnimo.
salleelnimo  ld salleellinimo.
salli1  1. Duco gaar ah oo Muslimiintu Nabiga ugu duceeyaan. 2. Gogol yar oo lagu tukada. 3. Derin yar. salli2  Ku s.: Muslimiin, duco gaar ah Nabiga ugu ducayn. sallid1  Ibtilo. sallid2  ld sallad². sallidan  ld salladan.
sallidid  eeg sallid².
sallikaroon  Derin yar oo in yar ka weyn salliga oo lagu fariisto laguna tukado.
sallim  Wax dhiibid. ld sellim.
sallimid  eeg sallim. ld sellimid.
sallin  ld salliyid.
sallixid  eeg sallax².
salliyid  eeg salli².
sallo  Rako fidsan.
saloobid  eeg salow¹.
saloog1  1. Wax dheer oo taagan. 2. Geed dheer oo aan laamo iyo caleen midna lahayn. 3. ld saloogid. saloog2  Xarig iwm isku soohid. saloogan1  Xarig iwm wax isku marmay noqosho. 2. Nafley caato noqosho. saloogan2  Xarig iwm wax la soohay ahaansho. saloogid  eeg saloog². ld saloog¹ (3).
saloogmid  eeg saloogan¹.
page : 24 of 118
<< < 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 > >>

 

Exit mobile version