Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: muddici
cawdid eeg cawd².
cawdnaan eeg cawdan. ld cawdnaansho.
cawdnaansho ld cawdnaan.
cawdo Xoolo badan meel isugu ururid.
cawdu-billaahi ld acuudu-billaahi.
cawdu-billeysad ld acuudu-billaysasho.
cawdu-billeysasho ld acuudu-billaysasho.
cawdu-billeysi ld acuudu-billeysasho.
cawdu-billeyso ld acuudu-billeyso.
cawee Habeenka gelinkiisa hore sheeko, ciyaaro iwm waqti isku dhaafin.
caweeran Qof aan indhaha si fiican wax uga arag noqosho.
caweermid eeg caweeran.
caweyn eeg cawee. ld caweys (3).
caweys 1. Ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka oo habeenkii lagu so jeedo. 2. (-syo, m.dh) Baar muusiga laga tumo oo habeenkii dhallintu ku soo jeeddo. 3. ld caweyn.
caweysimid eeg caweysin².
caweysimo ld caweysin¹.
caweysin (1) Habeenka gelinkiisa hore. ld caweysimo.
caweysin (2) Habeenka gelinkiisa hore soo jeedid.
caweysindambe Xilliga u dhexeeya sagaalka ilaa tobanka fiidnimo.
caweysinhoraad Xilliga u dhexeeya siddeedda fiidnimo ilaa sagaalka.
cawggiir (1) 1. Caw rinji la geliyay. 2. C. ka dhig: si xun wax u baabi'in.
cawggiir (2) Si xun wax u baabi'in.
cawggiirid eeg cawggiir².
cawi ld caawi.
cawiif Midab cad oo boor ku dhafanyahay.
cawil Wax ku dhaafay ama lumay beddelkood.
cawilceli Wax dhumay beddelkood siin.
cawilcelin eeg cawilceli. ld cawilcelis.
cawilcelis ld cawilcelin.
cawimaad ld caawino.
<< < 232 233 234 235 236 237 238 239 240 241 242 > >>

 

Exit mobile version