gale 1. Cudur ku dhaca xubnaha taranka ee dadka, oo keena dhabar xanuun iyo dhalmo la'aan; jabto. 2. Dabayl xoog leh. 3. Gebi tog.
galee 1. Wax gal ku ridid. 2. Shax badin.
galgaal1 1. Xiddig soo baxa, marka dirirku u dhowaado dayaxa. 2. Dheddig gool noqotay (xoolo). galgaal2 Nafley dheddig gooloobid. galgaalbixin Allabari loo sameeyo in looga hortago waxyeelo galgaal ka timid.
galgaalid eeg galgaal².
galgalad ld galgalasho.
galgalasho eeg galgalo. ld galangalasho, galangalad, galgalad.
galgali ld galaalgali.
galgalin ld galaalgalin.
galgalis ld galaalgalin.
galgalo Dhulka oo la jiifo hadba dhan isu rogid. ld galangalo.
galiilyo Walbahaar daran oo ka dhasha xaajo caloolyow leh.
galiilyoo Walbahaar daran lahaansho.
galiilyood eeg galiilyoo.
gallad1 Deeq; liibaan; abaal; mahad. gallad2 1. (f.g) Cid abaal u gelid. 2. (f.mg) Ku g.: nimco weyn bixin (Eebbe). ld galladee. galladayn ld galladid.
galladaysad ld galladaysasho.
galladaysan Wax gallad la kulmay ahaansho.
galladaysasho eeg galladayso. ld galladaysad, galladaysi.
galladaysi ld galladaysasho.
galladaysnaan eeg galladaysan. ld galladaysnaansho.
galladaysnaansho ld galladaysnaan.
galladayso 1. (f.g) Cid abaal u gelid si abaalgud looga helo. 2. (f.mg) Ku g.: cid nimco weyn siin (Eebbe).
galladee ld gallad².
galladid eeg gallad². ld galladayn.
gallayr Nooc haadda ka mid ah, la bah ah dafada, hilib cun ah, manjo iyo af guduudan leh oo loo adeegsan karo ugaarsiga iyo ilaalinta beeraha. ld gariir¹ (2).
gallayrrayn eeg gallayrree. ld gallayryayn.
gallayrree Sida gallayr u qaylin. ld gallayryee.
page : 25 of 102
<< < 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 30 > >>