Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: caynaano
gallayryayn  ld gallayrrayn.
gallayryee  ld gallayrree.
galley  Geed ka mid ah dalagga la beerto oo leh caleemo balballaaran, dhaadheerna, wuxuuna dhalaa iniino badar oo la cuno lagana miiro saliid; arabbikhi.
galli  Dhagax adag oo aan si sahal ah loo jebin karin oo ceelasha salkooda ku jira.
galliimid  ld gelliimid.
galliin1  ld gelliin¹. galliin2  U g.: Laba dhinac oo dhibaato dhextaalay heshiisiin; ergayn. ld gelliin². gallimid  ld gellimid.
galmo  1. Isu tegidda ragga iyo haweenka. 2. ld gelid.
galmoo  U g.: nin, naag u tegid.
galmood  eeg galmoo.
galniin  ld gelid.
galoobbar  Bardhul.
galoobbax1  ld galaabbax¹. galoobbax2  ld galaabbax². galoobbixid  ld galaabbixid.
galoof1  G. ah: ishkin dheddig oo aan irmaaneyn. galoof2  Neef xoolo ah, wax aan irmaanayn rimanaynna noqosho. ld galoofow. galoof-olol1  1. Ololidda neef geel ah oo guran oo u olola sida neef irmaan oo ubad u xiranyahay. 2. ld galoof-ololid. galoof-olol2  Neef geel ah oo guran sida neef irmaan u ololid. galoof-ololid  eeg galoof-olol². ld galoof-olol¹ (2).
galoofaad1  Daal iyo dhibaata badan oo lagala kulmo socod dheer. galoofaad2  Daal, dhibaato badan socod dheer kala kulmi. galoofaadi  Cid galoofaad gayeeysiin.
galoofaadid  eeg galoofaad². ld galoofaadis².
galoofaadin  eeg galoofaadi. ld galoofaadis¹.
galoofaadis1  ld galoofaadin. galoofaadis2  ld galoofaadid. galoofid  eeg galoof². ld galoofoobid.
galoofnimo  Galoof ahaansho.
page : 26 of 102
<< < 21 22 23 24 25 26 27 28 29 30 31 > >>

 

Exit mobile version