galley
(m.dh)Geed ka mid ah dalagga la beerto oo leh caleemo balballaaran, dhaadheerna, wuxuuna dhalaa iniino badar oo la cuno lagana miiro saliid; arabbikhi.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh galley ↴
aale [m.l]
Geed lugtool ahaan u baxa, sida
qasabka, galleyda, maseggada, qaysaraanta
iwm.
haad-ka-adag [m.dh]
Shimbir galleyrka u eg oo madax weyn, majo guduudan iyo ciddiyo
dhaadheer leh.
badar [m.l]
Nooc ka mid ah dalagga la beerto oo leh iniino la cuno, lana keydin karo, sida: galleyda, masaggada, iwm.
bal [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Geedka galleyda ama meseggada oo aan miro lahayn.
baqalye [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Jaad ka mid ah haadda hilibcunka ah oo galleyrka u eg, lehna midab ciira ah lugahana u cas. ld baqalyo, baqaye.
biif [m.l]
1. Biyo yar oo lagu qooyo galley, meseggo iwm marka la tumayo ama la shiidayo. 2. B. ah: midab aad u cad; qurux. 3. ld biifid.
caaneeye [m.dh]
Iniin meseggo ama galley inta aysan habuuq noqon.
caarooti [m.l]
1. Cir cusub oo daruurihiisa biya ka buuxaan. 2. Meseggo, galley iwm oo sabuul saartay. 3. ld caarootiyid.
cajiin [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
1. Budo meseggo ama galley oo biyo lagu rafaaqay. 2. Budo meseggo ama galley iyo bur laysku qasay oo canjeelo laga sameeyo.
cajiin [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-iimay, -iintay; -iimi)
1. Biyo ku rafaaqid budo meseggo ama galley. 2. Budo meseggo ama galley iyo bur isku qasid si canjeelo looga sameeyo.