cillaalid eeg cillaal². ld cillaal¹.
cillaan (1) 1. Geed abaareed weyn, cufan, calemo yaryar leh, qodax lahayn oo ubaxiisu udgoon yahay. 2. Budo caleen oo marka la qaso ciddiyaha, timaha iwm lagu guduudsado.
cillaan (2) Xammaarato yar, quruxsan, oo ay mulaca isku bahyihiin, afar addin iyo dabo dheer leh oo geedaha fuusha. ld cillaangeedafuul.
cillaangeedafuul ld cillaan².
cillad 1. Dhaliil qof leeyahay oo qiimahiisa hoos u dhiga. 2. Iin wax leeyahay. Tus. “Baabuurka c. buu leeyahay”. ld cillo.
cilladayn eeg cilladee. ld cillayn.
cilladee Wax cillad u yeelid. ld cillee.
cilladhaami ld qayladhaami.
cilladhaamin ld qayladhaamin.
cilladhaamis ld qayladhaamin.
cilladhaan ld qayladhaan.
cilladhaansad ld qayladhaansasho.
cilladhaansasho ld qayladhaansasho.
cilladhaansi ld qayladhaansasho.
cilladhaanso ld qayladhaanso.
cillal Geed nagaar faalala, leh caleemo balballaaran iyo buruq weyn oo dhulka ku aasan oo la cuno.
cillan Wax aan muqaan ahaansho. ld ciillan.
cillanaad Wax jira oo aan muqaalkooda la arag, lana taaban karin. ld ciillanaad.
cillanaan eeg cillan. ld ciillanaan, ciillanaansho, cillanaansho.
cillanaansho ld cillanaan.
cillayn ld cilladayn.
cillee ld cilladee.
cillo ld cillad.
cilmi (1) (culuun, m.dh) 1. Aqoon habeysan oo waayo aragnimo iyo daalacasho lagu kasbaday. 2. Qeyb ka mid ah aqoonta oo la xiriita maaddo gaar ah. ld culuun.
cilmi (2) (nax.) C. afeed: daraasad cilmi ku dhisan oo u gaar ah afafka aadamiga.
cilmi haweed Cilmiga barashada gibilka dhulka, gaar ahaan, marka laga eego dhanka cimilada iyo cimilo gooreedkaba.
cilmi-jabaqeed (fiis.) Cilmiga ku saabsan barashada dhalinta, dhalanka iyo baahinta hirarka jabaqda.
cilmibaaris Raadinta xaqiiqo la xiriirta cilmi.
cilmidarro Aqoon la'aan.
cilmidhegood Cilmi aan daalacsho lagu kasban oo dad laga soo bowsaday.
<< < 248 249 250 251 252 253 254 255 256 257 258 > >>