Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qawadid
hamhamlee  Hadal hamham ah dhihid. ld xamxamlee.
hamhamleyn  eeg hamhamlee. ld xamxamleyn.
hamir  ld himir.
hammada  (juqr.) Nooc ka mid ah lamaddegaanka, gaar ahaan Saxarada woqooyi Afrika. Lamaddegaanka h., dhulka dushiisu sida badan waxay ka kooban tahay dhadhaab qaawan, oo dabayshu ay ka qaadday bataaxda iyo boorka.
hammajebis  ld qalbijebin.
hammi1  1. Murugo iyo walaac ka dhasha arrin murugsan. 2. Niyad, laab. ld qammi. hammi2  1. Murugo iyo walaac la kulmid. 2. Ku h.: wax had iyo jeer ku fekerid. hammin  ld hammiyid.
hammisan  Wax walaac iyo murugo hayso ahaansho.
hammisii  Cid hammi ku beerid.
hammisiin  eeg hammisii.
hammisnaan  eeg hammisan. ld hammisnaansho.
hammisnaansho  ld hammisnaan.
hammiyid  eeg hammi². ld hammin.
hammuude  Geed yar oo dhulka ku faalala oo miro la cuno dhala. ld hammuudo.
hammuudo  Nagaar dhulka ku faalala oo dhala miro yar yar, dhanaan oo la cuno. ld hammuude.
hamrasho  eeg hamro.
hamro  Cid waxtarkeeda u hagar bixid la'aan.
hamsa  (nax.) Shibbane dhawaaqyada hadalka ka mid ah; waa aamus yar, wuxuuna dhashaa kolka xargaha codku si degdeg ah u xirmaan oo xiisadda dabaysha u joojiyaan, degdegna u furmaan; astaan-tiisu waa ('). ld hamse, hamso.
hamse  ld hamsa.
hamso  ld hamsa.
hamuu  Digir duban oo marka la karinayo aan si fiican loo bislayn. ld hamuu'.
hamuu'  ld hamuu.
hamuudo  Nagaar dhulka ku faalala oo miro yaryar, dhannaan oo la cuno leh.
hamuuman  Qof hammuun qaba ahaansho.
hamuumid  eeg hamuun².
hamuumnaan  eeg hamuuman. ld hammuumnaansho.
hamuumnaansho  ld hamuumnaan.
hamuun1  Rabitaan saa'id ah oo cunto loo qabo aroortii. hamuun2  . 1. Wax aad u rabid. 2. Cunto aad u rabid.
page : 27 of 93
<< < 22 23 24 25 26 27 28 29 30 31 32 > >>

 

Exit mobile version