Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: ebyan
cubtan (1) 1. Doorasho ay laba qof ku kala xushaan dad kula jaal noqonaya ciyaar lagu tartamayo, iyaadoo midba markiisa qof magacaabanaya. 2. ld cubtamid. ld cugtan¹.
cubtan (2) Laba qof, iyadoo midba markiisa qof magacaabanaya, dad kula jaal noqonaya ciyaar lagu tartamayo xulasho. ld cugtan².
cucub (1) ld cubcub¹.
cucub (2) ld cubcub².
cucuban ld cubcuban.
cucubid ld cubcubid.
cucubnaan ld cubcubnaan.
cucubnaansho ld cubcubnaan.
cudad Hoore dabaysha raaca.
cudbi Bul jilicsan, cad, loo isticmaalo siyaabo badan, dharkana laga samaysto oo uu dhalo geed ka baxa kulaylaha; suuf.
cuddaar Meerayaasha waaweyn mid ka mid ah; dusaa.
cuddabbax (1) ld ciddabbax¹.
cuddabbax (2) ld ciddabbax².
cuddabbixi Haweeney la furay inta ay cuddada dhammeysanayso masruufid.
cuddabbixid ld ciddabbixid.
cuddabbixin eeg cuddabixi. ld cuddabbixis.
cuddabbixis Masruufka la siiyo haweeney la furay inta ay cuddada dhammeysaneyso. ld cuddabixin.
cuddabixis ld cuddabbixis.
cuddad 1. (u) Qalabka birtumuhu adeegasado oo dhan. 2. Birdhuuban, culus oo qalbka la tumayo hoostiiisa la dhigo; dubbad. 3. (u) Xirmo dhar ah.
cuddi Gilgilid (samayo, waran); ka gariirsiin. ld cuti².
cuddin eeg cuddi. ld cuddis, cutin.
cuddis ld cuddin.
cuddo ld ciddo.
cuddoon Wax qaabkiisu isu dheellitiranyahay ahaansho.
cuddoonaan eeg cuddoon. ld cuddoonaansho.
cuddoonaansho ld cuddoonaan.
cudud (1) 1. Xubinta u dhexeysa garabka iyo xusulka. 2. Xoog; awood.
cudud (2) Wax xoog ku muquunin.
cududid eeg cudud².
cudur Caafimad-darro jirka noolaha ama qayb ka mid ah ku dhacda, oo uu keeno jeermi iwm.
<< < 261 262 263 264 265 266 267 268 269 270 271 > >>

 

Exit mobile version