Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: caynaano
faraxsanaan  eeg faraxsan. ld faaraxsanaan, faaraxsanaansho, farax- sanaansho.
faraxsanaansho  ld faraxsanaan.
faraxumee  Qof dumar ah oo aan kugu mehersanayn si qasab ah ugu tegid.
faraxumeyn  eeg faraxumee. ld faraxumo (2).
faraxumo  1. Tuugo iyo wax qaadqaad. 2. ld faraxumeyn.
faraxuunsho  1. Summad xoolaha lagu dhigo oo raadka xuunshada u eg. 2. Qof fulay ah. 3. Geed abaareed, leh laamo dhuudhuuban oo la cuno.
farayar  Wax aan tiro badnayn ahaansho.
farayaraan  eeg farayar. ld fara-yaraansho, farayari, farayaro.
farayaraansho  ld farayaraan.
farayaraysasho  eeg farayarayso. ld farayaraysi.
farayaraysi  ld farayaraysasho.
farayarayso  Ku f.: wax si wanaagsan u farsamayn.
farayari  ld farayaraan.
farayaro  ld farayaraan.
farayn  eeg faree. ld farays.
farays  ld farayn.
farbarasho  1. Barashada qoridda iyo akhrinta ee af. 2. Aqoonta qaabbilsan qurxinta habka qoridda.
farbaro  1. Qof wax dhigasho billaabid. 2. Qof farshaxannimo billaabid.
farcamid  eeg farcan².
farcan1  1. Aabbayaalkii laga soo unkamay. 2. Badasho; tarmid. farcan2  1. Wax tarmay noqosho. 2. Ka f.: wax meel ka soo unkamay noqosho. fardadhaari  Nin fardaha aad u yaqaan.
fardadhacsi  Nooc ciyaaraha dhallinyarada ka mid ah.
fardafuul1  1. Aqoon loo adeegsado sida fardaha loo fuulo. 2. F. ah: qof ku xeel dheer sida fardaha loo fuulo. fardafuul2  Faras dusha ka korid. fardafuulid  eeg fardafuul². ld fardafuulis.
fardafuulis  ld fardafuulid.
fardhexo  Farta u dhexeysa murugsatada iyo kayarada.
fardo  eeg faras.
fardooley1  1. Rag fardo leh ama fuli yaqaan. 2. Ciidan hubaysan oo fardaha ku dagaala.
page : 29 of 73
<< < 24 25 26 27 28 29 30 31 32 33 34 > >>

 

Exit mobile version